Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on July 01, 2009, 09:09:54 PM

Title: Maxaad Ka Ogtahay Hargabka Doofaarka?
Post by: SomaliDoc on July 01, 2009, 09:09:54 PM
• Dhacdooyinka hargab doofaarka ee imika la xaqiijiyey in uu ka jiro dhowr wadan oo dunida ah.
• Iyadii oo ay muhim u tahay caafimaadka dadwaynaha barashadda sida ugu badan ee suuragal ah tan la xiriira xaaldahaa, hadana xaaldaha inta la ogaaday imika ma ahan mid wax bandanna ka duwan marka loo eego hargabka caadiga ah.

Khatarta
• Sida xanuunadda kale ee hargabka, waxa lagu kala qaadaa ama uu ku faafaa min qof illa qof qaababka qufaca, hindhisadda ee qof xanuunsan ama qaba cudurka uu la eegto ama gaadha kuwa kale.
• Nooc walba oo ka mid ah hargabka waxaa dhici karta in uu qatar noqdo.
• Cunidda hilibka doofaarka lagama qaado cudurkaan.

Cudurka
• Astaamaha hargab doofarka waxa ay la nooc yihiin kuwa hargabka caadiga ah.
• Sida hargab xiliyeedka, hargab doofaarku waxa uu sababi karaa xaalad caafimaad oo qatar ah, ama caafimaadkaagii oo aad waydo, iyadda oo mararka qaar ay gaaro xaaladu meel halis ah.
• Qof walba oo uu ku dhaco cudurkaa oo soo booqda/ama booqata adeeg bixiye caafimaad waa in uu sheegaa meelihii ugu dambeeyey ee safar ee uu tagay gaar ahaan meelihii lagu ogaa xaalado hargab doofaar, ama la xiriira doofaarka. Adeeg bixiyahaaga caafimaad ayaa go’aan ka gaari doona dariiqadda ugu hagaagsan ee dawaynta ama la dagaalanka cudurkaa.

Ka Hortaga
• Waxaa jira talaabo maalin walba kugu saacidayn karta in aad ka hortagto faafitaanka jermiskaas kan keena xanuunka neefsiga sida hargabka.
Qaado talaabooyinkaa maalin walba si aad u badbaadiso caafimaadkaaga.
- Ku dabool afkaaga mandiil marka aad qufacayso ama aad hindhisayso, kadibna waxaad ku ridaa halka loogu tala-galay qashinka.
- Ku dhaq gacmahaaga mar walba saabuun iyo biyo, gaar ahaan kadib marka aad qufacdo ama aad hindhisto. Aalkoladda wax nadiifisa ee
gacmaha lagu dhaqo qudheedu way la dagaalantaa jeermiska.
- Iska ilaali in aad ku dhawaato dadka xanuunsan ee cudurka qaba.
- Goor walba aqalka ku nagoow halkii aad tegi lahayd dugsiga ama shaqadda hadii aad xanuunsan tahay. Adiga oo xadidaya xiriirka aad
kuwa kale la samaynaysid si aad oga ilaaliso in ay xanuunsadaan
- Iska ilaali taabshadda indhahaaga, sanka ama afka.
• Imika ma jiro talaal la heli karo si looga hortago hargab doofaarkan oo isagu cusub.

Wixii macluumaat dheeraad ah, halkaan ka akhriso:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1962.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1962.0.html)
SomaliDoc