Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: osman doualeh foureh on January 08, 2019, 07:29:12 PM

Title: Su'aal: Laxamada iyo dhibaatada ay leedahay?
Post by: osman doualeh foureh on January 08, 2019, 07:29:12 PM
dr.waxaan ku bilabaya hadalkaygaa sedataan (asc) marka xiigta waxan ahay qof ka shaqeeya (wellding)  amaa laxamad markaa waxaa see jogta ah ee xanuusta indhaha marwalba oon shaqada dhameyo anoo uu istecmalaa qalbkedaa oo dhamaysteran habeen walbaa way ee ilmeyaan see jogta ah kamana jiifsado waxaan uu bahanay taloo iyo xaal inan uu heloo ariintan (mahadsaniid) 
Title: Re: Su'aal: Laxamada iyo dhibaatada ay leedahay?
Post by: SomaliDoc on July 21, 2019, 01:05:52 PM
(http://somalidoc.com/Topics/alxanka.png)

Iftiinka ka baxo qalabka alxanka ama laxmadda waxay indhaha u keentaa cilladda loo yaqaano "Photokeratitits" ama welder's flash, waa cillad keeni karto indho la'aan haddii aan la xiran qalab indhaha ka difaaco ileyskaas halista ah ee "Ultraviolet", cilladaan waxaa loo dareemaa sidii allarjiga indhaha oo kale sida cuncun iyo belbel, waxaana la dareemaa saacado kadib markaad iftiinka moogtahay, qofka wuxuuna isku arkaa ilin badan sidii qofka indhaha looga firdhiyayay carro oo kale.

Waa muhiim inuu qofka xirtaa muraayadaha celiya ileyska "Ultraviolet", haddii kale waxay keentaa dhaawac joogto ah, kadibne indho la'aan, midda kale waa inuu qofka waqti u dhaxeysiiyaa adeegsida qalabka alxanka maadaama ookiyaalaha iyo madax-gashiga looga hortago cilladaan uusan iftiinka oo dhan wada celinaynin.

Muraayadaha ugu habboon waa kuwa gubiya 5% illaa 7% iftiinka kaliya si halistaasi loo yareeyo, marka iska hubi muraayadaha aad xiratid nuucooda iyo tayadooda, lana xiriir dhaktharka indhaha si loo eego in boog ama xagtin indhaha uu gaarsiiyay indhaha.

Wixii su'aalo ah noogu dhaaf qeybta su'aalaha ama nagala soo xiriir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)