Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maqaarka => Topic started by: SomaliDoc on May 19, 2016, 05:50:26 PM

Title: Caabuqa Fangaska ee Faraha Cagta Gala
Post by: SomaliDoc on May 19, 2016, 05:50:26 PM
(http://somalidoc.com/Topics/ciyaartoy.png)

Bismillahi,

Waxaan ka hadlayaa maanta, cillad ku badan bulshada qeybo ka mid ah sida ciyaartoyda, askarta, dadka safarrada u baxa sida kuwa la shaqeeyo hay'adaha oo booqdo tuulooyinka iyo miyiga.

Xanuunkaan wuxuu galaa faraha dhexdooda, marka hore wuxuu ku bilawdaa cuncun uu qofka u bogayo inuu xoqo, kadib waxay keentaa jeexjeexdin ama dildillaac, kadibne waxaa ku samaysmo waxyaabo cadcad sida sawirka ka muuqdo, kadibne ur ayay yeelataa, haddii aan la daawaynin, infekshanka wuxuu u gudbi karaa qeybta hoose oo jirka ama waxaa ku dul tarmi karo jeermiska bakteeriyada, kadibne cagta ama lugta oo idil ayaa infekshanka wada qaadi karto.

Caabuqaan faraha galo waxaa keeno jeermiska fangaska, waa jeermis jecel inuu ku dhaco kuna tarmo meelaha huurka ah oo dhididka leh.

Caabuqa wuu ku faafi karaa faraha kale ee cagta, wuxuu kaloo u gudbi karaa ciddiyaha, haddii aad xoqdid kadibne aad taabatid meelo kale oo jirka ka mid ah.

Haddii aad kabaha ama iskaalshooyinka aad la qaadatid qof kale waad ka qaadi kartaa.

Cilladaan waxay badanaa timaadaa:

Sidee loo daaweeyaa?
Daawooyin loo isticmaalo cilladaan ayaa jiro, kuwaas oo ah kuwa lagu buufiyo faraha dhexdooda oo jeermiska dilo iyo kuwa la marsado sidii kareemyada, iyo kuwa sidii kaniinada oo kale loo qaato, badanaa daawada waa lagu bogsadaa, laakiin waxaa muhiim ah in laga fogaado asbaabta keento, hooyada uurka leh ama nuujinayso ma qaadan karto kuwa kaniiniyaasha ah.

Waa muhiim in aad dhakhtar la xiriirtid haddii aad cilladaas isku aragtid, waa wax si sahlan loo daawayn karo markay cusub tahay, mahadsanidiin.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)