Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on April 09, 2016, 05:07:55 PM

Title: 9-kaan qofood ma ka mid tahay? - (Qoraal Xiiso leh)
Post by: SomaliDoc on April 09, 2016, 05:07:55 PM
(http://somalidoc.com/Topics/shakhsiyadda.png)

Waxaan ka hadlayaa maanta qoraal aad muhiim u ah xiisane leh, wuxuu ku saabsan yahay cilladaha ku timaado shakhsiyadda qofka, taasoo soomaalida qaar ugu yeerto "Waallida Dhaqanto" haddii ay arkaan qof dhaqankiisa aan dabiici ahayn ama lala yaabo laakiin bulshada ku dhex nool.

Waa maxay Shakhsiyadda?
Shakhsiyadda qofka waxay ka tarjumaysaa dabcigiisa, dhaqankiisa, aragtidiisa ku aadan hareerihiisa, dabciyada dadka kale, fakarkooda iyo dareenkooda.
Intaas oo la isku daray ayaa qofka shakhsiyaddiisu tilmaantaa, qofka shakhsiyaddiisu dabiici tahay wuxuu sameyn karaa xiriir wanaagsan mid qoyskiisa, mid asxaabtiisa iyo mid dadka ay isla shaqeeyaan.

Waa maxay cilladaha shakhsiyadda?
Dadka cilladahaan qabo waxay dhib ku qabaan siday xiriir ula samayn lahaayeen dadka kale, waa dad badanaa aan dabcigooda iyo dhaqankooda dabcin karin, isbadalada noloshane aan la qabsan karin, inkastoo ay aaminsan yihiin inay caafimaad qabaan oo dabiici yihiin laakiin dadka aqoonta u leh caafimaadka ama waxgaradka ah way fahmi karaan. aragtida qofka noocaan ahi uu ka qabo dunida way xadidan tahay, waana ku dhib inuu ka qeyb qaato dhaqdhaqaaqyada dadka kale.

Sidee lagu ogaan karaan cillada shakhsiyadda?
Badanaa waxaa cilladahaan aad loo fahmaa xilliga qaangaarka iyo sanadaha ka dambeeyo, wayna yaraataa markuu qofka da' noqdo iyadoo taasi lala xiriirinayo in khirada nolosha ay u sahashay qofkaas in dhaqankiisu badalo oo uu noqdo qof dabcsan oo fikrado kale qaadan karo ama xiriir sameyn karo.
Markii la rabo in la fahmo cilladaha shakhsiyadda, waa in dhowr waxyaabood la isku fiiriyaa, waxaana jiro qaab loo garto, hadduu qofka buuxiyo heer la dhihi karo wuu qabaa cillad shakhsiyad, waxaana arintaas go'aan ka gaari karo dhakhtarrada ku takhassusay cilmiga "Psychology" ama "Psychiatry" ama dhakhtar aqoon iyo khibrad u leh cilladahaan.

Maxaa keeno cilladaha shakhsiyadda?
Khubaradu qaar waxay la xiriiriyaan dhacdooyin uu la soo kulmay qofka markuu yaraa inay saamayn raad leh ku reebtay noloshiisa, qaarkood waxay sheegaan in hidde ahaan qofka u nuglaan karo cilladahaan, qaarkood waxay dhahaan in deegaanka qofka uu saameyn ku yeelan karo arintaan hadduu qofka hidde ahaan u nugul yahay cilladaha shakhsiyadda.

Noocyada Cilladaha Shakhsiyadda:
Aad ayay u badan yihiin noocyada cilladaha shakhsiyadda laakiin waxaa ugu muhiimsan dhowr, kuwaasoo la isugu geeyay sadax qeybood oo waaweyn "Clusters", tiiba ay ka sii farcamayaan qeybo kale.