Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: Waxbaro! on January 08, 2009, 08:51:44 PM
-
(http://somalidoc.com/Topics/birta.jpg)
Iron ama bir ama feero waa nafaqo lagama maarmaan u ah dhismaha iyo helidda dhiig caafimaad leh.
Quudka muhiim ayey u tahay maxaa yeelay waxay door ka cayaartaa sameynta maadada hemoglobin, waa qayb ka mid ah unugga dhiigga guduudan, ee jirka siiya ogsijiinta. Haddii kaydkaaga birtu hooseeyo, waxa laga yaabaa inaad dareentid daal badan oo aad arag dillaatid sidii qof bukka oo kale.
Aad isbitaalka haddii aad u maleynaysid in kaydkaaga birtu hooseeyo.
Cuntooyinka Birta ama Feerada Qaniga ku ah:
- Hilibka: Hilibka lo'da, digaagga maqaarka leh, shellfish, kalluunka, beerka iyo kilyaha
- Jaallaha ukunta: Aad ayey dhiig yarida ugu fiican tahay
- Digirta la engejiyey, digirta kala dhanbalan iyo digirta cagaaran
- Khudradda caleenta cagaaran sida bagalka iyo ansalaatada
- Furutada la engejiyey sida sabiibka iyo ananaaska
- Naatiska iyo dufanka looska
- Miraha sida siiriyaalka birta lagu xoojiyey, rootiga feerada lagu daray, rootiyada mirihii oo la isku wada shiiday ah
Jirkaagu wuxuu birta ama feerada cuntooyinka xoolaha uga soo nuugaa si ka fudud cuntooyinka geedaha. Si aad jirkaaga ugu caawiso inuu birta ka soo nuugo geedaha, cuntada ku darso Fitamiin C. Waxyaabaha Fitamiin C laga helo waxaa ka mid ah: furutada ama casiirka burtuqaalka, yaanyada, qaraha, istarowbari, khudradda iyo furutada inta badan midabkoodu xooggan yahay. Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Fitamiinnada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html)
Cuntooyin ka dooro dhammaan kooxaha cuntooyinka kuna darso cunno birtu ama feeradu ku sarreyso ugu yaraan hal mar maalintiiba.
Halkaan ka akhriso cashirka Dhiigyarida iyo Astaamada lagu garto (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,251.0.html)
https://www.youtube.com/watch?v=adNlvGDYwHU&t=1s (https://www.youtube.com/watch?v=adNlvGDYwHU&t=1s)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
-
Qoraal wax-tar leh.
Thanks
-
Thanks brth