Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdi Rooble on March 08, 2018, 10:19:06 PM

Title: SIDEE U ISTICMAALAA MIRAHA GEEDKA MORINGA?
Post by: Cabdi Rooble on March 08, 2018, 10:19:06 PM
ugu horreyn waxaan u mahadcelinayaa golaha dhakhaatiirta ee wabsite-kan SomaliDoc, kuwaas oo bulshada u haya shaqo aad iyo aad muhiim u ah, marka xigta waxaan halkaan kusoo gudbisanayaa su'aal la xiriirta isticmaalka miraha geedka moringa.


waan aqriyey maqaal aad hadda ka hor ka qorteen geedka moringa iyo faa'iidooyinkiisa, isticmaalka caleentiisa ayaad si fiican u sharaxdeen, balse aniga waxaan haystaa oona isticmaalay mirihiisa oo kaliya, marka su'aashaydu waa (miraha iyo caleenta maxaa farqi ah oo u dhaxeeya,  sideese u isticmaalayaa miraha, intee in la eg baan isticmaalikaraa miraha?

waad mahadsantihiin.
Title: Re: SIDEE U ISTICMAALAA MIRAHA GEEDKA MORINGA?
Post by: SomaliDoc on December 16, 2018, 09:55:16 PM
Miraha geedka Moringa wuxuu leeyahay faa'idooyin aan ka yaraysan caleentiisa oo aad halkaan ka akhrisan kartaan faahfaahinteeda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6093.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6093.0)

Miraha siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaalaa:
1- Sidii daangada ayaa loo dubaa
2- Sidii digirta ayaa loo kariyaa
3- Isagoo budo ah ayaa cuntada lagu darsadaa.

Miraha waxyar ayaa laga qaataa la iskama badiyo haddii kale caloosha ayuu qasayaa.