Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Samo Wade on June 07, 2017, 07:30:55 PM

Title: Su'aal: 3bilood Caado Dhiig Ma Helin, Uurne ma lihi?
Post by: Samo Wade on June 07, 2017, 07:30:55 PM
Asc wr wb Magacaygu Abdi Oo ku sugan Dalka sweden Bacada Salaan, Waxaad Aad Ugu Mahad celinayaa Drka Mareegtan Asaasey Iyo dhakhaatirta kale Ee La Shaqaysa Una Heelan Haqab tirka Bulshada, Jazakumullahu Khyr Idilkiinba. Hadii Suaa'shayda U Yimaado Dr Xaaskaygu 25 Jir, Bishii 12 Ayuu Ilmo ka Dilamay, Dhiiga Dilanku Saddex Isbuuc ayuu Ka socday Ka Dib Laba Jeer ayey Heshay dhiiga caadada, Bishii Saddexad Ilaa Imika Oo Lagu jiro Bishii Lixaad Wax dhiiga Oo Caada Ah Kama Iman, Bahalka Uurka Lagu Eego Waanu Ku eegnay Dhawr jeer waxana Uu sheegay Negativ, Waxay dareenta Xanuun Xaga Obacda Hoose Ah, Matag Mararka Qaar Waxaan Looba Ooyin???? Ayey Ka Ooyeysaa , Calooshuna Sidii Hore Way Ka Soo Kuusantay, Dhakharka Ayuuna La hadalney Waxa Uu yidhi ilaa lixbilood Dhiiga Caadada Ka Maqnaado Kuma Caawin Karo Wax Ka sokeysa, Markaa Dr Adiga Oo Cilmiga Allah ku Baray Iga Jaahil Iyo Talo Bixinyaaa Malaga yaaba In Mararka Qaar Pregnant test Aanu Uur Sheegin Qofkuna Uur uu leyahay,?
Mana Lagayaaba Dhiiga Caadada istaagay inuu Sababay dilanki?

Dr Allah Haka Abaal Mareeye
Isoo Jawaaba Sida Ugu dhakhsaha badan War'War aya Jiree Allah warqarka Haynaga qaade
Title: Re: Su'aal: 3bilood Caado Dhiig Ma Helin, Uurne ma lihi?
Post by: SomaliDoc on January 26, 2018, 07:08:27 PM
Inkastoo marka ay dilmaysay ay muhiim ahayd inaad sheegtid inta bil ay ahayd laakiin.....

Caadada oo wareerto waa arrimaha la fisho dilanka ka dib, laakiin hadduu xanuun jiro, calooshuna ay soo kuusan tahay waxaa muhiim ah in hooyada la saaro computer-ka Ultrasound si loo eego in minku nadiif yahay oo aysan wasakh ku jirin khaasatan haddii haweentu aan la xaaqin.

Haddii computer-ka la saaray oo minku nadiif yahay, calooshuna ay soo kuusan tahay waxaan kula talin lahaa in gabadha aad siisid malab badan ooo saafi ah, in xanuunka ka yaraado, calooshuna shuuqdo ayaa laga yaabaa.

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.