Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fatima Hussein Mohamed on September 15, 2015, 11:01:10 AM

Title: Su'aal: Intrauterine Fetal Death?
Post by: Fatima Hussein Mohamed on September 15, 2015, 11:01:10 AM
waxn rabay ina dhaqaatiirta weydiyo waxyaabo kale oo keeni kara ma jiran dilanka joogtada ah sida inay dabeel qofka caloosha kaga jirto oo kale . mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Intrauterine Fetal Death?
Post by: SomaliDoc on September 16, 2015, 02:57:47 PM
Intrauterine fetal death iyo dilanka way kala duwan yihiin.
Dilanku waa dhicisoobida uurjiifka inta u dhaxeyso 28 usbuuc, laakiin cunuga oo caloosha ku dhex dhinto waqti kasta ayuu dhici karaa, waxaana keeni karo waxyaabo badan oo ka duwanaan karo dilanka.
Dabeel qofka caloosha kaga jirto dilan iyo cunuga oo caloosha ku dhex maydo labadaba ma keento ee fadlan su'aashaada cadeey adigoo ka jawaaba su'aalahaan:
1- Dilan miyaa mise wax kale? Goormee dilantay? Bishee ayay dhacday? Baaritaanada lagugu sameeyay maxay ahaayeen?