Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu c/rahman on April 17, 2016, 11:12:46 PM

Title: Su'aal: Xanuun ayaa I haya la dhaho CNV waa virus?
Post by: Umu c/rahman on April 17, 2016, 11:12:46 PM
Marka hore waan idin salamay dhakhtar  bacda salaan suaashaydu waxa weeye  xanuun ayaa I haya la dhaho CNV waa virus  waxa uu ku yahay jidhka bini adamka 0.5 anigana waxa uu igu maraya 500 waxan dhalay wiil iyo gabadh mid ka kid ah xanuunka ayuu ku dhashay  sida gariir ayaa loo qabtay ila hada ma kicin 2 years ayuu jra caruurta marka aan dhalo bila oxygen ayey ku dhashan fadlan xanuunkee sidee loo daween kara mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Xanuun ayaa I haya la dhaho CNV waa virus?
Post by: SomaliDoc on May 06, 2016, 08:36:58 PM
Marka hore, xanuunka waa CMV ee ma ahan CNV, wuxuu ka mid yahay xanuunada laga baaro hooyada uurka leh maadaama si sahlan loogu gudbin karo uurjiifka, caruurta qaar iyagoo dhib weyn u geysan ayay ku dhashaan, qaarka kalane dhibaato ayuu u geysan karaan.

Feyraskaan waa mid aad ugu badan bulshada, dad badane wuu ku dhacaa, laakiin dad dhif ah ayuu dareemo astaamihiisa, laakiin haddii aad uur leedahay ama difaaca jirkaagu uu yar yahay, dhibaato wuu kuu geysan karaa.

Markuu feyraska jirka galo, badanaa kama baxo laakiin dhib ma keeno, wuxuu qofka kale ugu gudbaa dheecaanka sida dhiigga, calyada, kaadida, shahwada iyo caanaha hooyada, inkastoo feyraska ku gudba naas nuujinta uusan dhib u keenin ilmaha.

Ma jiro daawo looga bogsado xanuunkaan oo hadda la ogyahay, laakiin waxaa jiro daawooyin feyraska hoos u dhigo oo qofka uu kaga reesto astaamaha xanuunka khaasatan caruurta yaryar iyo dadka difaacooda uu yar yahay.