Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xikmaawi on February 10, 2016, 01:51:35 PM

Title: Su'aal: Qofka dhuuntiisa ilaa surka uu ku yeesho buurbuur adag?
Post by: Xikmaawi on February 10, 2016, 01:51:35 PM
asc dr maxa keena in qofka dhuuntiisa ilaa surka uu ku yeesho buurbuur adag oo aan xanuun lahayn cudurkaas  ma aha gondalariyoTB baaris ayaa lagu sameeyay cad aya  laga jaray
Title: Re: Su'aal: Qofka dhuuntiisa ilaa surka uu ku yeesho buurbuur adag?
Post by: SomaliDoc on February 15, 2016, 04:37:03 PM
Qanjirrada dhuunta iyo surka oo bararo waxaaa keeni karo dhowr shay, waxaa ugu horeeyo TB-da, waxaa ku xiga infekshan ku dhaca qanjirrada oo noocyo kala duwan leh, waxaa ku xigo kansar qanjirrada ku dhaco loona yaqaano "Lymphoma", waxaana lagu kala ogaan karaa xanuunadaan markii qanjirka cad laga qaado.
Maxaa ka soo baxay cad ka qaadistii lagugu sameeyay?
Title: Re: Su'aal: Qofka dhuuntiisa ilaa surka uu ku yeesho buurbuur adag?
Post by: Xikmaawi on February 22, 2016, 07:49:03 AM
dr waxay ii shegeen in aysan ahayn infection TB ama cancer untaba anigana walwal iyo diiqad ayaa I haya marksta
dr waxay I dheheen immunohisto chemistry baaris a dhoho ayan kuu diraynaa qanjirkaaga in lagau sameeyo walina uma dirin mahadsnd wax kale oo ay noqon karaanqanjiradas haddi ay jiraan iyo caawin  wixii aad I siin karto talo
Title: Re: Su'aal: Qofka dhuuntiisa ilaa surka uu ku yeesho buurbuur adag?
Post by: SomaliDoc on February 28, 2016, 03:32:25 PM
Waa muhiim jawaabta "Immunohistochemistry-ga wixii ka soo baxo in la ogaado.