Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_Carab on July 05, 2018, 05:21:42 PM

Title: Su'aal: Gene Modified Foods?
Post by: Ahmed_Carab on July 05, 2018, 05:21:42 PM
Asc .. bahda DomaliDoc .. aadaa u mahadsan tihiin. Su'aasheyda maanta waxaa weeye:

Sideen ku ogaan karaa cunooyinka caafimaadka u daran ee gacan ku rimiska ah gaar ahaan frutis-ka nuucyadiisa kala duwan, waayo supermarket-yada frutis-ka yaalo lebel-yo ayaa ku dhagan, marka sideen u kala saari karaa kuwa gacan ku rimiska ah iyo kuwa nature-ka ah?

Waad mahadsan tihiin.
Title: Re: Su'aal: Gene Modified Foods?
Post by: SomaliDoc on January 08, 2019, 08:15:29 PM
Cunnada gacanta lagu rimiyay ama la farsameeyay waa arrin dunida aad ugu badan, hadafkeeduna yahay in xilli gaaban lagu helo cunno badan sidaa darteed in geedka dhakhso u dhalo miro qurxoon oo waaweyn si dhakhso ah loo suuq geeyo waa arrin salka ku haysa ganacsi, waxay bilaabatay 1994-tii markaasoo la ogolaaday in cunnooyinkaan suuqyada la gayn karo, inkastoo cabsi wayn laga qabo cunnooyinkaan inay mustaqbalka dhib keenaan ama cudurro aan la aqoon ka dhalan karaan, laakiin weli lama haayo go'aan la isku waafaqsan yahay in cunnooyinkaan dhib leeyihiin.

Arintaasi waxay keentay in shirkadaha qaarkood ay u noqoto fursad aan lagu kala soocin cunnooyinka la bacrimiyay iyo kuwa dabiiciga ah maadaama dadku shakki wayn ka qabaan, waxa ugu fudud ee aad ku kala garan kartid waa inaad cuntada ka fiirisaa inay ku qoran tahay 100% natural / dabiici.