Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Darmaan123 on August 05, 2011, 01:45:37 PM
-
marka hore salaan dhamaantiin. marka xigta su'aashaydu waxa weeye ninku markuu dawooyin isticmaalo khaasatan kuwa antidepressants-ka sidee bay awoodiisa galmo u saamayn kartaa maxaase ka mid ah waxyaabaha ugu daran ee ay ninkaas dawadu ku keeni karto, mida kale xaga uurka dhibaato maku keeni kartaa maadaama dawadu ninka dhiigiisa ku jirto ilma uur gala wax ma yeeli karta? iisoo jawaab walaal waadna mahadsantihiin.
-
Daawooyinka "antidepressants" waxaa loo qaataa niyad jabka waana daawooyinka ugu caansan ee keena kacsi la'aanta, hima yarida iyo biyo-la'aanta xilliga galmada.
Sadaxda kooc ee ugu caansan daawooyinka loo isticmaalo diiqada iyo niyad jabka waxay keenaan hawlgab kacsi iyagoo badalo heerarka canaasir maskaxda ku jira sida maadada loo yaqaanno Serotonin taasoo haddii ay badato ay yarayso kacsiga.
-
Waan gartay dhibaatada dawooyinka maxaa lagu daweeyaa hadaan joojiyo dhitaasi ma iga bi i kartaa?
-
Walaal daawo walbo waxay leedahay fal-celisyo xun sidaa darteed, haddii daawo aad qaadatid kuu keento dhibaato hor leh waxaa habboon in aad la xiriirto takhtarkii kuu qoray daawadaas si lagaaga badalo iyadoo la fiirinayo waxyaabo badan oo adiga aadan ka gaari karin go'aan.
Mahadsanid