Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdulrasak on May 17, 2017, 11:43:48 PM

Title: Su'aal: Wejiga ayaa I boodbooda ama dubaaxinaya
Post by: Abdulrasak on May 17, 2017, 11:43:48 PM
Dr inta u dhexaysa labada suniyood ee wejiga ayaa I boodboodaysa maalintii labaad, dhig kar  igu cusub na waan leeyahy daawada dhiig karkana joogto ayaan u qaataa marka waa maxay sababtu ?
Thanks Dr.
Title: Re: Su'aal: Wejiga ayaa I boodbooda ama dubaaxinaya
Post by: SomaliDoc on March 04, 2018, 08:34:03 PM
Murqaha wajiga oo ku dubaaxiyo sida sunniyaha oo kale waxay calaamad u noqon kartaa dhowr arrimood oo kala ah: inaad cabtay kaffee aad u badan, inaad isticmaashid daawooyinka qaar sida kuwa qallalka ama daawooyink dhimirka, sidoo kale waxaa keeni kara stress-ka ama daalka indhaha markaad isticmaasho shaashahada TV-ga iyo mobeelka, sidoo kale hadduu jirkaaga ku yar tahay maadada bootaasiyamta oo laga helo muuska isagane wuxuu keenaa dubaaxinta ama jaraynta murqaha yaryar ee jirka.

Taladaydu waa inaadan ka welwelin arintaan, way iska baaba'i kartaa muddo kadib, inkastoo aan filaayo inay xaaladaadu sabab u tahay welwel kaa haysta dhinaca xanuunka dhiig-karka ee marka dhaw lagugu sheegay.