Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saneeti on August 22, 2015, 11:04:10 AM

Title: Su'aal: Qufac badan iyo nabro carabka ku yaalo?
Post by: Saneeti on August 22, 2015, 11:04:10 AM
asc Dr waan ku salamay salan ka dib  magaceega waaa mohamed waxaan jogaa somalia gaar ahaan mogadsihu waxaa rabaa in aad ila talinso waxaa ka cawanaa qonfac meesha uu ku dhamaado carabka waxaa iga yaalo nabro anti biyootiga badan waan cunay weyna iga babi weyday  marka maxaa keeno nabrahaas oo ku yaalo carabka meesha uu ku dhamaado qonfacna farabadana waan isku arkaaa  sankeegana mar walbo diif ayaa ka soconaayo marka  qaar wili subixii ayuu u badan yahay waxaan rabaa in aad iga cawiso dr  mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Qufac badan iyo nabro carabka ku yaalo?
Post by: SomaliDoc on August 23, 2015, 01:35:02 PM
Marka hore waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar la xiriirtid si loo fiiriyo carbka nabaraha aad sheegtay, dalqada, qanjirrada dhuunta ku yaallo haddii wax barar jiraan, haddii sanka ama dhuunta cillade kala ka jiraan.

Marmarka qaar nabraha ku yaalo carabka qeybta ugu dambayso waa caadi wax xanuuna kuma yimaadaan marmarne xanuun ayaa keeno daawo u baahan, qasab ma ahan in ay bakteeriya tahay si antibiotic wax uga taro, waxay noqon karaa "xasaasiyad" wax ku yimaadahy waliba hadduu qufaca qalalan yahay, waxay noqon kartaa infekshan "viral", hadduu sandurdur iyo qandho la socoto, waxay noqon kartaa laabjeex ama gaas haddii aad qabtid, marka waa muhiim in aad dhakhtar la xiriirtid si loo ogaado marka hore waxa ay yihiin iyo cillada waxa keenay intaba.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.