Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on January 07, 2017, 12:59:06 PM

Title: Sida Lagu Ogaado Killi Lala Baxay. (Jawaab)
Post by: SomaliDoc on January 07, 2017, 12:59:06 PM
(http://somalidoc.com/Topics/killibixis.png)

Bismillah,

Qofka bini'aadanka si caadi ah ayuu ugu noolaan karaa hal killi haddii midd kale laga bixiyo, waa naxariista eebber in kilyaha la isku deeqi karo haddii qof qoyskaaga ka mid ah uu u baahdo.

Labada kilyood way isla shaqeeyaan wayna iskabaan, haddii cillad hal killi ku timaado badanaa lama dareemo isdhimis xagga shaqada ah, laakiin haddii lagugu sheego in kilyaha aysan shaqeynayn, taasi macnaheedu waa in labaduba aysan shaqaynayn, waxaana lagu ogaadaa baaritaan dhiigga lagu sameeyo.

Haddii qofka laga bixiyo killi isagoo aan ogayn, ma dareemi doono wax astaan ah oo lagu garan karo in qofka killi laga bixiyay ama lagala baxay illaa in la saaro sawir lagu eegayo mooyee, mana jiro baaris dhiig ama kaadi oo lagu ogaan karo arrintaan.

Qalliinka kilyaha lagu bixiyo waxaa lagu gartaa jeexdin lagu sameeyo dhinaca killida ku aadan.

Haddii aad ka shikisan tahay qalliin ka dib in kilyaha lagaala baxay, la xiriir dhakhtar si laguu saaro kumbuyuutarka U/S-ka ama CT-Scan.

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)