Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on January 12, 2017, 03:43:18 PM

Title: Hargab Xumaaday Iyo Qufac Kugu Qallalay.
Post by: SomaliDoc on January 12, 2017, 03:43:18 PM
(http://somalidoc.com/Topics/hargabxun.png)

Bismillah,

Hergabka ama Durayga waxaa sababa jeermiska fayraska, waana xanuun dunida si aad ah ugu baahsan, laakiin nasiib wanaag waa cudur si dhakhso ah looga bogsado iyadoo wax daawo ah loo qaadanin, wax raad ahne reebin, maxaayeelay xanuunada fayraska keeno badankood jirka ayaa iska difaaca oo uma baahna in loo qaato daawo, mana jirto daawo aad kaga bogsanaysid hergabka, laakiin waxaa jiro daawooyin ku caawin kara jirkaaga inuu fayraska iska difaaco. akhriso qoraal faahfaahsan oo ku saabsan arrintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6018.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6018.0)

In aad dhakhso ka bogsatid waxay ku xiran tahay difaaca jirkaaga heerka uu gaarsiisan yahay, hadduu difaacaaga uu hooseeyo, nafaqo darro ay jirto ama aad qaadatid daawooyin kale sida qallajiyayaasha oo kale waxay hoos u dhigi karaan difaaca jirkaaga, waxaadna u nuglaan kartaa in jeermiska bakteeriyada ku dhasho hergabka, markaasne isku badalo infekshan cusub oo bakteeriyo keentay sida oofwareenta, quumanka, boronkiitada IWM.

Isbadalkaas hergabka isku badalayo caabuq bakteeriyo waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Secondary bacterial infection" ama "Superimposed infection", waxayna soomaalida tiraahdaa "Hergab Xumaaday", waxay kaloo dhahaan: daawo aan qaatay ayaa hargabka igu qallajisay.!!

Si aad uga badbaadid in hergabka kugu xumaado, ku caawi jirkaaga in difaaca sare u qaadmo, kana fogow daawo aan laguu qorin, waxaa laga yaabaa in xanuunka kugu xumaado inta aad si dhakhso ah uga bogsan lahayd, ku kalsoonow difaaca jirkaaga.

Hadduu qufacaaga yeesho xaako midabkeedu jaalle ama cagaar yahay, xabad xanuun, neefsashada oo ku dhibto  ama qandho la socoto dhaxan iyo qarqaryo oo aadan horay u lahayn, waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar la xiriirtid si daawo lagaaga siiyo caabuqa cusub.

Fadlan daawo video-gaan oo kugu caawin doona sida dabiiciga ah ee aad ula tacaali kartid hergabka dhakhtar la'aan:
https://www.youtube.com/watch?v=rMl_E4SFGJQ (https://www.youtube.com/watch?v=rMl_E4SFGJQ)

Haddii aad su'aal qabtid ama faahfaahin u baahan tahay iigu soo dir qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)