Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Deeqcali on October 06, 2011, 03:54:14 PM

Title: Su'aal: Waxaan ka cabanayaa daal fara badan?
Post by: Deeqcali on October 06, 2011, 03:54:14 PM
Asc ww bada salan waxaan ka cabanayaa daal fara badan oo waan neef tuuraya wax balwad ma lihi waan joojiyay qaadka iyo sigaarkaba balse waxan si ba an u isticaalayay cofega maxan dawo u ah oo ku baa'ba shaa daalkan maxaase igula talineysaan waxan daremayo waa tabar dari ee wabilaahi towfiiq
Title: Re: Su'aal: Waxaan ka cabanayaa daal fara badan?
Post by: SomaliDoc on October 07, 2011, 04:51:04 PM
Daal kaliya miyaa dareemeysaa? Goormee kugu bilaabatay? Wadna garaac ma leedahay? Dhiig yari ma lugugu sheegay? Neeftuurka goormuu kuugu daranyahay? Meel siman ma jiifsan kartaa ama barkin la'aan ma jiifsan gartaa? Markaa daashid qufac ma leedahay wata candhuuf ubur leh? Imisa sano ayaa jirtaa? Balwadda sigaar cabidda iyo jaadka imisaa isticmaali jirtay? Goormaane iska joojisay? Xanuunkaan takhtar ma kala xiriirtay hadda ka hor?

Fadlan su'aalahaas ka soo jawaab si loo fahmo xanuunkaaga.