Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nasteeho on January 15, 2017, 04:06:47 PM

Title: Su'aal: Naaska midigta ayaa dhacaan iga socdo?
Post by: Nasteeho on January 15, 2017, 04:06:47 PM
Walal Waxan ahay hooyo heeysata hal gabar oo 7 jir ah illaahey ha ii daayee kadib ninkii wan kala tagnay ana nin kale ma guursan Waxan isku arkay naaska midigta ah ibtiisa marka aan aad uriixo qoyaan yar baa ka yimaado  qoyaanka waa sida biyaha cml oo ibta naaska ku eg bis xanuuna iguma haayo alx kan bidixdane waa qaleel wax dhib ah oo kalane iguma haayo alx dhiigeyga caadada waa ok bis qoyaankaas Ayaan rabaa waxa oow yahay lee illaahey ajir iyo xasanaad haku siiyo walal iiga soo jawaab asc
Title: Re: Su'aal: Naaska midigta ayaa dhacaan iga socdo?
Post by: SomaliDoc on April 19, 2017, 07:24:00 PM
Waxaa xaaladaan loo yaqaanaa "Galactorrhea", waa naasaha oo ka yimaadaan caano sidii biyaha ah markii la tuujiyo, kuma xirna inaad uur leedahay ama aad naas nuujinaysid.

Arrintaan waxay astaan u tahay khalkhal hormoonnada ah taasoo ka dhalan karto xoodxoodinta naasaha, daawooyinka qaar iyo hormoonka loo yaqaano "prolactin" oo jirka ku bato.

Badanaa waa arrin kaligeed iska saxanto, uma baahno wax daawo ah, laakiin haddii ay joogto noqoto waa in dhakhtar la xiriirtid si lagaaga baaro hormoonada khaasatan haddii aad isku aragtid caado wareer ama madax xanuu ama aragga oo daciif noqdo.

Akhriso qoraal aan hadda ka hor uga hadalnay kacsanaanta hormoonka "Prolactin".