Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamed Abdi Naasir Ali on May 04, 2016, 06:32:45 PM

Title: Su'aal: Qanjir xanuun?
Post by: Mohamed Abdi Naasir Ali on May 04, 2016, 06:32:45 PM
asc somalidoc ugu horeyn waxaan idin soo jeedinaya mahadnaq balaaran waxaan leeyahay ajar fara badan rabi ha idinka siyo shaqada aad umada uheesaan,

hadaan ugudbo suasheyda waxay tahay waxaan isku arkay mudo laga joogo 20cesho camal madax wareer iyo qanjir xanuun lugta midig ah, sida caadada u ahan jirtay qanjirka waxu ixanuuni jiray marka ay lugta nabar iiga yaalo, lkn hada wax nabar ah iguma yaalo, waxaan tagay doctor waana ushegay sida aan dareemayay waxuna idiray baaris saxarada kaadi iyo dhiig, waxuuna igu sheegay cudurka burcela cirbado soconayo 21beri wuu iqoray iyo kaniini cabsole ah 21 beri ah, muda kadib waxa igu sii siyaaday madax wareerkii waan ku laabtay wuxuna iga baaray malaria wuna igu shegay cirbadana wuu iqoray cirbado malaria iyo kini anti-biotic ah wax is badal ahna wali mahayo madaxa sidi buu iwareeraya qanjirki ixanunaayay waxaa ku darsamay lugta kale iyo gacanta bidix kilkisha ku aadkeda,  calooshana bahal baa iga cunaya day and night kala joogsi laheyn aadna waa ushumaya, marka somalidoc maxaad igula talin laheyden kaniini waaka daalay iyo cirbad walina wax mahaayo, qanjiradana maxaad ku tilmaami laheydeen
Title: Re: Su'aal: Qanjir xanuun?
Post by: SomaliDoc on May 27, 2016, 08:58:00 PM
Qanjir xanuunka, madax xanuunka, wareerka iyo shubanka waxa ugu caansan ee soomaalida  u keeno caabuq mindhicirrada ah sida xanuunka Tiifowga loo yaqaano "Salmonella", wayna dhici karaan waxyaabo kale.

Wuxuu ahaadaba xanuunka kore waxaa lagu daaweeyaa antibiotic, hadduu kaniiniga wax tari waayo, cirbado ayaa la qaataa.
Xanuunkane waxaa laga baaraa saxarada.