Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jamaal on May 08, 2010, 06:37:39 AM

Title: Su'aal: maxaa keeno xumada habeenkii?
Post by: Jamaal on May 08, 2010, 06:37:39 AM
marka hore waan idin salaamayaa dhamaan
salaan kadib waxaan idin waydiin lahaa idinkoo mahadsan
anoo iska caadiya maalintii ayaan markaan seexdo habeenkii ayay ii
imanaysaa xumad aad ubadan maxaa keena xumadaa
Title: Re: Su'aal: maxaa keeno xumada habeenkii?
Post by: SomaliDoc on May 16, 2010, 09:50:41 PM
Waxaa jira cudurro badan oo keena xumad habeenkii sidaa awgeed waa in aad la xiriirtaa dhakhtar si loo ogaado waxa aad ka cabaneyso.
Cudurrada leh qandho habeenkii waxaa ka mid ah:
Oof-wareenka, Infakshanka kaadida, qoorgooyaha, lafaxanuunka, duumada iyo cudurro kale