Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Arqami on March 14, 2017, 04:51:59 PM

Title: Su'aal: Waxaan dareemayaa feero xanuun?
Post by: Arqami on March 14, 2017, 04:51:59 PM
Asc ugu horeyn wxan salamayaa Dr.ka iyo howl wadenada website kan Allaha idin xifdiyo inta ka dib waxan salamayaa xubnaha website kan ku jira

Haddi an u gubo dr. Su' aasha aan qabo mudo ku siman 2 todobaad aya waxan daremayaa feero xanuun marka aan seexabayo oo dhinaca midig ama bidix u seexdo sido kale Dr. Waxan daremayaa feeraha hoostoda o an umaleynayo sambabada o i xanuunaya markan neefsado.

Dr. Wax qufac ah ma lihi iyo madax xanuun midna keliya lakin waxan caajis ka daremaa dhanka feeraha iyo feeraha hoostoda, Horay waxa laiga daweyay xanuunka gaaska inkasto mararka qaar an daremaye daawoyina aan u qaadanaye lkn xanuun kan ayaa igu cusub oo an horeh u arag dr.waxan ku weydiinaya adigo mahdsan gaasku mau gudbi karaa sambabada? mase jiraan cudur feeraha iyo sambab ka u gaar ah

Mahdsanidiin
Title: Re: Su'aal: Waxaan dareemayaa feero xanuun?
Post by: SomaliDoc on June 17, 2017, 01:39:52 PM
Gaaska toos uma saameeyo sambabada, laakiin haddii aad qabtid laabjeex, xanuun waa ka dareemi kartaa feeraha, hadday dibbiro jirto sidoo kale cadaadis feeraha waad ka dareemi kartaa weliba qeybaha.
Midda kale, dabcan way jiraan xanuuno badan oo sambabada iyo feeraha ku dhaca, laakiin waxaa lagu kala soocaa waraysi, wiisiteyn iyo baaris, marka waa muhiim in aad dhakhtar la xiriirtaa.