Somali Medical Forums
		Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cmqalinle on June 16, 2009, 05:56:16 PM
		
			
			- 
				aslamu calaykum haweenku marka uurka ay leeyihiin dawada antibiotics-ku dhib ma u keeni kartaa iyaga iyo ilmaha dawadee ku haboon marka ay xaaddaa ku jiraan
			
 
			
			- 
				Daawada antibiotics-ka qaar ka mid ah ayaa halis u keeni karo hooyada uurka leh iyo uurjiifkaba, waxaa daawooyinkaasne ka mid ah:
(Amikacin, Kanamycin, Streptomycin, Tobramycin, Sufa, Doxycycline, Tetracycline, Minocycline, Erythromycin, Macrobid & Nitrofurantoin)
Waxaa kaloo jira daawooyin kale oo halis ah oon ahayn antibiotics, sidaa darteed dhakhtar u tag haddii aad xanuunsan tahay uurne aad leedahay.
Daawada kugu haboon haddii aad uur leedahay waxaad kala tashataa dhakhtarkaaga maxaa yeelay xanuunkaaga ayay ku xirantahay.
SomaliDoc
			 
			
			- 
				walaal waad ku mahadsantihiin jawaabtabta aad iga soo siiseen su,aasha laakiin waxa muhiim ah in aad ogaato qoka aad u jawaabaysaa ma male-baa mise waa female 
			
 
			
			- 
				Walaal ka raalli noqo haddii si kale aad u fahantahay labada sadar ee hoose waa waano guud oo ku aadan haweenka uurka leh.
			
 
			
			- 
				ok walaal waad ku mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad mar walba ugu soo gudbinaysiin akhyaarta idinla soo xidhiidha