Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jannagale1 on March 15, 2011, 12:01:22 AM
-
Asc
Walaalayaal Waad mahadsantihiin waxaan kusoo biiray website-kan caawa waana ku farxay, intaa kadib Labo baaritaan oo aan isku sameeyay kadib waxaa la igu sheegay Cagaarshoowga B, Waxaa igu maqaal ah in Culimada Mareykanka ama Reer Yurub ay Daweeyaan oo Daawo u heleen Anigana waxaan Joogaa Kenya ee sideen ku helaa Daawo Cudurkaan, runtii wax xanuun ah iguma hayo balse xaafimaadkaaga waa muhiim inaad daryeesho?/?
Mahadsanidiin
Asc
-
Cudurka Cagaarshowga hadduu cusub yahay badanaa wax daawo ah uma baahna maadaama uu calamadihiisa ay iska baab'aan markii laga reebo dad yar oo loo qoro daawooyin waa haddii ay ka soo muuqdaan calaamado daran oo ka baxsan calaamadihii lagu yaqaannay cudurka sida matagga, bog xanuunka, cunno xumida iyo miisaanka oo dhaca.
Inkastoo aysan jirin daawo cudurkaan lagu daaweeyo laakiin waxaa jiro dhowr daawo oo loo qoro dadka cudurka uu ku raagay, daawooyinkaas oo howshoodu tahay in taranka fayraska ay yareeyaan si looga badbaadiyo in beerkoodu uu dhaawac gaaro kadibna uu hawlgab ku dhaco.
Daawooyinka noocaan ahi waa laga helaa wadanka kenya iyo wadamo kale oo badanba mana ahan daawooyin cusub oo dhawaan la soo saary.
Daawooyinkaan waxay leeyihiin waxyeello badan oo takhtar la'aan lama qaato.