Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ciisemidnimo on April 22, 2011, 05:12:20 PM

Title: Su'aal: Waa maxay cudurka biijada?
Post by: Ciisemidnimo on April 22, 2011, 05:12:20 PM
walaal su'aasha aan arabo waa waa maxay cudurka ee somalida u taqaano biijada hadii aan sii sharxo waa boogta ee yeelato faruurta 2deeda gees oo astaan u ah cadaan.

by ciise midnimo
Title: Re: Su'aal: Waa maxay cudurka biijada? (JAWAAB)
Post by: Drkheyre on April 23, 2011, 01:55:05 PM
(http://somalidoc.com/Topics/biijo.png)

Waa mahadsantahay walaal,

Somaalida cudurka ee u taqaano "Biijada" waxaa loo yaqaanaa "angular stomatitis ama angular cheilitis). hadii aan sii qeexo waa nabro gaduudan amd dilaac/jeexjeex ku yaala geesaha faruuryaasha ama afka.

Biijada waxyaalo badan ayaa sababa ee ka mid yihiin: 
1. enfekhshinada ka yimaada waxa looyaqaano fungia sida candidal iyo bekteeriyada sida staphyloccocol.

2. dhiig la'aannta ka timaada maadada birta oo jirka ku yaraato"iron deficiency aneamia".

3. fitamiinada oo jirka ka nusqaamaan gaar ahaan (e.g. B2- riboflavin, B9-folate or B12 cobalmain).

4. caruurta waxaa ayagane u sababi kara marka ee geesaha afka ee iska qaniinaa, ama suulka nuugaan ama faruuryaha jidjiidaan.

5. maadada loo yaqaano "Zinc" oo jirka ku yaraato.

ugu dambeyntii Daawada "Biijada" waxay ku xirantahay noocyada kala duwan ee cudurka sababa kuwaaso aanu kor kusoo xusnay.   

By Drkheyre

Akhriso cudurka bishinta gaduudan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5366.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5366.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)