Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Filsan Ali on April 25, 2011, 03:40:34 PM
-
ASC!!drz. salan kadib waxan jeclaan laha inaan fahmo calamada cusub oon isku arkay,taas o ah waxan qabi jiray anigo yar finan yar-yar oo iga yaali jiray tinta mesha eey kabilabato(fool ka hore) marka wax dhib igu meeysan heyn jirin lkn xiliyadan dambe finanki hoos aye usoo baxeen,si tartib ah na waji ga geesihis ayee iga fidayaan, finankaana mahan fin caadi o kale waxe u eg yihiin sidi fin biyo kujira camal,mana jilcana oo waxa biyaha u eeg ma fiqmayaan..waxan isticmale daawo ladhaho DUOFILM(cutaneous solution for the treatment of warts) markan mariyo nabraha wey gubtan lkn sidi aye kusoo noqonayaan...MARKA MAXAA KENI KARO FINANKAAS?DAWO NA MALEYIHIIN?? fadlan faah fahin fican iga bixi. mahasanid
-
Cudurrada maqaarka waxaa lagu gartaa kaliya aragti, sidaa awgeed la xiriir takhtar.
Laakiin waxaan rajaynayaa in qoraalladaan ka hadlayo finanka ka soo baxo wajiga aad ka faaideysan doontid:
Findoob (Acne): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2102.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2102.0.html)
Warts (Honqor): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2842.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2842.0.html)
-
waad ku mahadsan tahay taladada..walal