Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gorod on May 10, 2011, 10:13:11 AM

Title: SU'AAL: XANUUN LUGTA CIRIBTA MIDIG IGA HAYSTA?
Post by: Gorod on May 10, 2011, 10:13:11 AM
ASC
DHAKHAARTIIRTA SOOMAALIYEED AAD IYO AAD AYAY U MAHAD SANYIHIIN WALIBA RAGA WEBSITKAN HEEGANKA KU AH OO TALOOYINKA CAAFIMAAD EE JOOGTADA AH SIINAYA BULSHADA SOOMAALIYEED GOOOR WALBA ILAAHAYNA AJAR IYO XASANAAD TIRO BADAN HADINKAGA ABAAL MARIYO ARINKAAS IYO SERVICE KAAS AAD UMADIINA U HAYSAAN.
ITAA HADII AAN KA GUDBO

SUAAL WAXAAN QABAA IN TALO CILMI AH LA IGA SIIYO XANUUNO DHOWR AH OO AAN IN MUDO AH LA SOO DHAALACYEYNAYEY WELINA I HAYAA.
1-WAXAAN HAYSTAA XANUUN MUDO 6 BILOOD KU DHOW OO IGA HAYA CIRIBTA LUGTA MIDIG OO JOOGTA AH WAXA SABABAYANA GARAN MAAYO WAXAANA KU DHOWAHAY INAAN SOCODKII GABO LUGTIINA MAALINBA MAALINTA KA DANBAYSA WAY KA SOOO DARAYSAA MAR AAN GP GEYGA AAN LA XIRIIRAY WUXUU II SHEEGAY IN XANUUNKAASI UUSAN DAAWO LAHAYN ILAA IN IRBAD LAGU MUDO CIRIBTA MOOYAANE TAASINA WAA UUN KAALMAATI EE MAAHA WAX SI DHAMAYSTIRAN U KAXAYNAYA XANUUNKA HADII AAD RABTO TAN LABAAD WAA BUU YIDHI WAA INAAD KABTA LA ISTICMAASHAA RUBER JILICSAN OO AAD KABTA GUDAHEEDA LA GASHATAA MAYBE INUU KU CAAWIYO LA ARKEE. MID KALE LUGTII WAA I BARARTAY OO LUGTII KALE WAY KA WAYNAATAY.

MARKAA DOCTOE MAXAAD IGULA TALIN LAHAYDEEN INAAN ISKU DAAWEEYO ILAAH BAA DAAWO HAYEE ?
Title: Re: SU'AAL: XANUUN LUGTA CIRIBTA MIDIG IGA HAYSTA?
Post by: SomaliDoc on May 15, 2011, 09:15:15 AM
Xanuun fiiqan oo aad ka dareentid ciribta hoosteeda sidii in musmaar lagugu muday oo kale waxaa keena xanuun loo yaqaanno "Heel Spur Syndrome" taasoo ah fiiq lafeed aad u yar oo cadaadis ku haayo hilibka ciribta.

Ciribta waxay ka samaysan tahay lafta ciribta, cad dufan oo sidii barkinta camal ah oo eebe ugu tala galay in ay ciribta ilaaliso iyo xuub adag oo maqaar ah.
(http://somalidoc.com/Topics/cirib.png)
Fiiqa ciribta "Heel Spur" waa laf dheeri ah oo ka soo baxdo ciribta taasoo samaysanto sida la aaminsanyahay markii seedka isku hayo lafta ciribta iyo salka suulka uu jiidmo.
Laftaa marka ay bilaabanto in ay samaysanto ama soo fiiqanto waxay keentaa xanuun aad u badan taasoo hadii cagtu la qabsato waxoogaa yaraato.
Qaabka abuurka cagtaada waxay dowr weyn ka ciyaartaa samaysanka fiiqa ciribta sida in cagta ay sallax tahay oo aysan godnayn (raysmagaadhto la'aan), iyo dadka aad u cayilan iyo dadka ciyaartoyda ah.

Xilliga ay fiiqa ciribta suubsameyso waxay keentaa xanuun marka la soconayo khaas ahaan subaxii hore weliba xilliyada qabowga, marmarka qaar markii cadaadiska ka bato waxay samaysataa meel yar oo biyo galaan oo jeeb camal ah loona yaqaanno "Bursa" taasoo haddii ay caabuqdo keento xanuun iyo dikaan muddo qaadan karo adigoo aadan socod iyo istaag badan galin xitaa, caabuqaas oo caafimaad ahaan loo yaqaanno "Calcaneal Bursitis", qofka wuxuu dareemaa dikaan sidii in malax ku jirto oo kale markay xaaladaan gaarto.

Xaaladaan waxaa lagu gartaa in raajo la saaro ciribta inkastoo haddii fiiqu yaryahay aanan lagu arki karin raajada, waxaa kaloo dhakhtarku ogaan karaa in xanuunkaan uu jiro markii uu wiisiteeyo cagta sida in meesha lafta fiiqan ku aadan haddii far lagu riixo ay daqnanayso oo iyada dhan aysan ku xanuuneyn marka xanuunku billaabmayo.

Haddii ciribtu cadaadiska lagu hayo uu sii bato waxay keentaa barar iyo xanuun siyaado ah oo aanan laga shaqaysan karin, xanuunkaas oo ku faafa ciribta oo dhan illaa dhinacyada cagta.

Waxyaabaha xanuunka kaaga sii darik ara waxaa ka mid ah: Cayilka, Kaadi macaanka, Istaagnida badan, Kabo kugu dhagan iyo kabo taako leh. Akhriso qoraal aan uga hadalnay dhibaatada kabaha taakada dheer leh: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6646.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6646.0)

Sidee loo daaweeyaa xanuunkaan?
Xanuunka marka uu cusub yahay, uma baahno in daawo loo qaato, waxaa qofka lagula taliyaa inuu istaagnida badan iska ilaaliyo, kana fogaado xirashada kabaha ciriiriga ah iyo kuwa taakada dhaadheer leh. Hadduu qofka cayilan yahay waa inuu miisaankiisa hoos u dhigaa.
Hadduu qofka leeyahay cagta fidsan "Flat Feet" waa inuu xirtaa ama gashadaa laastiko cagaha loogu talagalay oo kabaha la iska xijiyo loona yaqaano "Insoles", waxay aad kaaga caawinaysaa in fiiqa ciribta aysan ku mudin khaasatan haddii aad muddo istaagnaan rabtid ama socod dheer gali rabtid. Laastikadaan maahan wax qaali ah, meelo badan ayaa laga helaa, farmashiyada qaarne waa lagu gadaa wadamada qaarkood.

Xanuunka haddii ay muddadiisu dheeraato, bararne keento waxaa lagu daaweeyaa 3 siyaabood:
1- In cirbad lagu duro fiiqa ciribta taasoo yareyneyso caabuqa, xanuunkane baab'inayso, waxaa laga yaabaa in cirbadda aad u baahatid dhowr jeer oo waqtiyo dhaadheer u dhaxeysa, dad badan way ku caafimaadaan isbadalne way isaga gartaan. Waa in sida saxda ah laguugu duro si isbadal fiican u dareentid.
2- Haddii cirbadda ay wax tari wayso, waxaa ciribta lagu sameeyaa qalliin taasoo lagu jarayo lafta fiiqan ee ciribta ka soo baxday.

Waxaa kaloo muhiim ah in la ogaado, hadduu qofka horay u lahaa xanuunada lafaha ku dhaca sida roomaatiisamka, xanuunka Turqo (Gout), kaalsiyam yarida, xanuunka thryoid-ka  intaba waxay ka qeyb qaataan in xanuunka uu ku daba dheeraado qofka oo si dhakhso ah uga bogsan waayo, sidaa darteed waa in xanuunadaa kalane qofka laga daaweeyo si isbadal fiican loo helo.

Siyaabaha dabiiciga ah ee lagula tacaalo cilladaan?

Fadlan dhakhtar la xiriir si loo hubiyo in cilladaan ay ku haysato.
Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah qabtid ama faahfaahin u baahan tahay, fadlan su'aalahaaga iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)