Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Raaliyo on May 31, 2011, 09:04:56 PM

Title: Su'aal: Ironkayga oo yar?
Post by: Raaliyo on May 31, 2011, 09:04:56 PM
 :'(  s/c
dhamaan waan idin salaamay asxaabta isugu timada webkaan gaar ahaan dhamaan dhaqatarada hagarlaanta ugu shaqeenaya walalahood sualaha soo waydiisata bacda salaan waxaan rabaa inana weydiiyo walalaheey dhaqatarada ah inay iga jaahil bixiyaan IRONKAYGA BAA YAR BAY DHAHEEN waxay dhaheen dhiigaaaga hamagaolibnka waxaad haysataa 10,75 cabirkaas markaa bal ii sheega ilaa intee laga rabaa dumarka  levelka laga rabo iyo waliba dhibato ma keeni karaa haduu dhaco maxaana laga kordhin karaa daawo ama cunto.

                                                       waad mahadsan tahay
Title: Re: Su'aal: Ironkayga oo yar?
Post by: SomaliDoc on June 05, 2011, 08:02:28 PM
Heerka hemoglobinka haweenka wuxuu u dhaxeeyaa 12.1 ilaa 15.1 g/dl, haweenka uurka leh: 11 illaa 12 g/dl.

Cabbirkaaga ma xumo heerka uu joogo.

Halkaan ka akhriso xanuunka dhiigyarida iyo dhibaatadiisaba: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,251.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,251.0.html)

Halkaan ka akhsriso cunnada sare u qaado Birta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1721.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1721.0.html)

Daawooyinka sare loogu qaado bir yarida waxaa ka mid ah daawada feerrada.