Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed Coof on June 13, 2011, 02:11:30 AM

Title: Su'aal: Ilka xanuun?
Post by: Ahmed Coof on June 13, 2011, 02:11:30 AM
Marka hore dhakhaatiirtu way madasanyihiin shaqadan ay umada u qabteen, ajarna waad ka helaysiin inasha allahu, hadaanu soo noqdo su'aashayda waxay tahay waxaa labadii biloodba mar igu dhaca xanuun ah in ciridka i buurnaado oo i xanuuno dabadeed ay qaraxdo meeshii buurnaatey oo malax iyo dhiig ka yimaado, in mudo ah marka dhiigaasi mar kasta oo aancandhuuf tufo aan arko way bogsataa hadana mudo aan ku qiyaasay bil iyo badh ama laba bilood wuu igu soo noqdaa oo sidii oo kale ayaa hadana dhacda dhakhaatiirna waan u tegeyoo (Dantist) wax uu ii tarey ma jirto kolka laga tago inuu ilka safeeyey oo dhiig badana iga qulquley birihii gelegelinayey meesha,
Title: Re: Su'aal: Ilka xanuun?
Post by: SomaliDoc on June 16, 2011, 09:22:07 PM
Sida cabashadaada ka muuqato waxaa ku hayo yirid aan la daaweynin, yiridku waa ciridka oo bukada, wuxuu ku billawdaa inuu gaduuto, bararo, ilkaha ka durqo, haddii aan la daaweyn yiridku wuxuu samaystaa jeebab ku aruuraan malax taasoo saameyso ilkaha, kadibna ay u daataan.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Yiridka "Gingivitis" http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1409.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1409.0.html)

1- Biraha goormaa laguu galiyay ilkaha? xanuunkaan ciridka ah meeqo sano ama bilood ayuu ku hayaa?
2- Wax daawo ah aad qaadatid ama hadaba laguu qoray ma jiraan aan ka ahayn ilko nadiifis?
Title: Re: Yirid (Gingivitis)
Post by: Ahmed Coof on June 16, 2011, 09:55:04 PM
walaalo waad mahadsantahay sida wanaagsan ee aad iigu sharaxday cudurkii, waa runtaa waxaa aad sheegtey oo dhan waan isku arkey, markii ugu horeysay ee aan arko ciridka oo iska dhiigaya mudo ayaa imika la joogaa ilaa waxaan u tegey dhakhtar djibouti bayna ahayd wakhtigaas , wuxuu ii qorey daawo , kaniiniga faxa ee biyaha lagu rido dabadeed waan isticmaaley waanu iga tegey sanad ka dib ayuu hadana igu soo noqdey anoo jooga Norwoy dhakhtar baanu tegey ilkaha ah markaas ilkaha wuu nadiifiyey uun mudo shan sano ah kolba waan ku  noqoneyey waxna iima tarin, laakiin jeermiskaa aad sheegeysid wuu igu yiri dhakhtarku imikamarkii iigu dambeysay waxaa ka soo wareegtey sadex bilood, oo imika waxaaban marayaa in gawsaha qaar ay aad u dhaqdhaqaaqayaan iyo in ciridka oo dhanka dhenxaraga ah uu ku sameysmo jeeb malaxiyo dhiig ah, waxa kale oo aanisticmaalaa bilihii u dabeeyey burush yar oo dhakhtarku i siiyey oo ilkahala dhexgeliyo oo lagu xoqo markaa walaaloow maxaansameeyaa imika waxaan u maleeyaa waa meeshii u xumeyde.
waadmahadsantahay
Title: Re: Su'aal: Ilka xanuun?
Post by: SomaliDoc on June 16, 2011, 10:18:46 PM
(http://www.mdguidelines.com/images/Illustrations/gin_absc.jpg)Horta haddii meesha malax ay gashay, waxa ugu horreeya waa in malaxda ciridka ku aruurtay laga daadiyo, haddii malaxda ay gudaha ku sii jirto waa in la jeexaa si loo faarujiyo jeebabka malaxda ku aruurtay, waana in aad qaadataa daawo antibiotic ah oo la dagaallanto bakteeriyada keentay malaxdaas si aysan u soo laaban.

Waxyaabaha kale oo ku kaalmayn kara waxaa ka mid ah in aad ku luqluqato biyaha la dagallama bakteeriyada oo ilkaha loogu talagalay, kadibne waa in aad ilkaha caaifmaadkooda ku dadaashaa oo si joogto u nadiifisaa, waa in la xiriirtaa takhtarkaaga ilkaha si joogto ah oo haddii xanuunka ilkaha uu saameeyayne waxaad u baahantahay in ilkaha la toosiyo ama tiirarka cilinaya la saxo.

Haddii aad leedahay balwad sida sigaarka ama qaadka waa in aad joojisaa sida ugu dhakhsiyaha badan.

Haddii ilkaha biro kuugu xiranyahiin, ilko nadiifinta ama ka soo saaridda malaxda way adkaanaysaa ee kala tasho takhtarkaaga haddii suura gal u tahay in lagaaga furo biraha inta ciridka uu jiranyahay.
Title: Re: Su'aal: Ilka xanuun?
Post by: Cabdulahi on October 24, 2012, 10:34:49 PM
asc walalayaal drs  waan idin salamayaa salan kadib walalka ka cabanaaya ilkaha waxaad istic mashaa coconut  / qunbe afka somaliga geedkaas ayaad  si cajiib ah ooga faa iideysan kartaaa  soo post garee marka aad ka faa iideysato  waxaad samaysaa biyaha gudaha oogu jira  ku luq luqo afkana kuhay in mudo ah inta aad kuhayn karto kuhay subaxii iyo habeenkiii  waxaa kale ood is tic maali kartaa saliidiisa  sidaa si lamid ah cuntada ood ku darsatana faa'iidooyin kale ayay leedahay kola drska ayaa iyaguna wax ka dhihi doona asc