Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan Bile on June 26, 2011, 09:30:39 AM
-
waxaa jira in ay dhacdo galmada ka dib daal aan caadi aheen neeftuur aan dhaqso looga soo kabsan, oon aan caadi aheen iyo baahi aan caadi aheen. waana dhib in markale lagu laabto galmo kale. Muxuu noqonkaradaa ciladaas maxaase xal u ah.
-
I thing nafaqo la aan baa haysa qofkaas, markaa aniga ahaa waxaan talo kugu siin karaa.. cuntooyin sida qudrada for exp Tamato, muus, baamiye. bidin gaal iyo kuwo kale af somali ku aqoon! waxaad kale isku daydaa in aad cunto cunto ku jirta kaluun wiikii dhawr jeer, maalintiina 4 times cunto ama 4 tii saacadood ba cunto wanaagsan oo protien ku jiro + koob caano ah. waliba 2 xabo muus iyo koob caano ah cab intaadan u tagin xaaskaaga.. laakiin Allaahu Yaclam
-
daal la dareemo ama hurdo galmada ka dib waa arrin caadi ah maadaama inta howsha aad ku jirtid uu sare u kacay garaaca wadnaha iyo hormoonka adrenalin oo si aan caadi ahayn jirka uga shaqeysiiyay, waxaa intaa sii dheer in markii aad biyo baxdid waxaa hoos u dhaca hormoonka Testosterone, taasoo keena daal iyo tabardarri xagga galmada.
Haddii aad xanuunsan tahay ama wadnaha ka jirantahay ama xanuunno kale aad qabto, waxaa dareemeysaa daal, neefsashada oo ku dhibta, qufac xiriir ah ama in aad suuxdidba.
Haddii daal caadi ah uu yahay iyo tabardarri wax dhib ah ma lahan waxaad samayn kartaa in aad soo dhaqdhaqato ama sida diinteenna qabtaba soo weyseysato si aad tamar iyo firfircooni u heshid.