Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdirizak on July 03, 2011, 07:15:45 PM

Title: Su'aal:- DHAG XANUUN IYO KAAR SIYAADO AH?
Post by: Abdirizak on July 03, 2011, 07:15:45 PM
A-S-C.

Marka hore waad salaamantihiin dhamaan dhakhaatiirta oo idil gaar ahaan ku iska xilsaaray inay su;aalahan ka soo jawaabaan.

xanunnkan dhagta iga haya hada mudo laga joogo 4 maalmood, ayuu wuxuu igaga yimid kadib markii aan is iri meel jaleeco ama fiiri inaga oo u fadhiya si dadban, wax aan u kalagaran waayay xidid iyo muruq ayaa halmar waxay iga rooreen inta u dhaxaysa Dhagta iyo Surka hoostisa,  taasoo mar mar igu dhacday hada kan hor lkn hada waxay igu reebtay xanuun xaga dhagta ah ooo waliba siyaado ah,.
                       
                   maxaad talo ah oo aad ii haysaan DR


                           wabilaahi Towfiiq
Title: Re: Su'aal:- DHAG XANUUN IYO KAAR SIYAADO AH?
Post by: SomaliDoc on July 10, 2011, 08:15:29 PM
Xanuun kaliya miyaa ka dareemeysaa? mise dhegta qoyaan ayay leedahay? Maqalka wax is badal ah maa ku yimid? Dhegta ma gudaha ayay kaa xanuunaysaa mise dibadda? Guux ama shanqar aad dareemeyso miyaa jira? ma jiraan wax calaamado kale aad leedahay sida cuncun dhegta ah, qandho ama codadka qaar oo ku dhiba?

Fadlan ka soo jawaab su'aalahaas si xanuunkaaga loo bixiyo.
Title: Re: Su'aal:- DHAG XANUUN IYO KAAR SIYAADO AH?
Post by: Abdirizak on July 12, 2011, 07:22:52 PM
 Hadaan isku Dayo inaan Xanuunkayga Dareenkiisa ka Jawaabo waa sidan

 1- Xanuun waa jiraa.
  2- Wax Qoyaan ah Majiraan.
  3- Maqalka Waan maqlaa lkn culaas ayaad moodaa inuu jiro.
  4- Dhagto waxay ka jiran tahay Gudaha.
  5- Guux iyo wax aad moodo Dhawaaqiisa SHULULUX.
  6- Dhagta Cuncun siyaado ah bay leedahay.
  7- Qandho iyo Codod Idhibaa Majiraan.

                    Su'aalahaaga jawaabahooda intaas ayaan ka xasuustaa,
               
                                      Wabilaahi Towfiiq
Title: Re: Su'aal:- DHAG XANUUN IYO KAAR SIYAADO AH?
Post by: SomaliDoc on July 19, 2011, 05:38:43 PM
Calaamadaha aad tilmaantay ee xanuun, cuncun, guux iyo maqal culeys waxay tilmaamaysaa in dhegta ay jirantahay, waxyaabo badan ayaa ku dhaco dhegta kenei karana calamadaha aad ka cabanayso, waxaa kugula talin lahaa in aad la xiriirto takhtar ku taqasusay dhegaha "E.N.T" specaialist si dhegta gudaheeda loo eego in uu dhabar ku yallo, in xuubka uu dillaacsanyahay iyo in dhib kale ka jiraba.

Halkaan ka akhriso qoraal ka hadlayo caabuqa dhegta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,546.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,546.0.html)

Halkaan ka akhriso jawaab ka hadlaysa guuxa dhegta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1839.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1839.0.html)