Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: KAAMBE on July 12, 2011, 11:00:09 AM

Title: SU'AAL: TIIFOW?
Post by: KAAMBE on July 12, 2011, 11:00:09 AM
TIFOW AYAA LAYGA HELAY LAGU SHEGAY 220 DHAKHTARKUNA WUXU I SIIYAY CIPROFLEXIN KALIYA WAXNA IGMA TARIN MADAXANA MARKASTA WAA IXANUUNA  MAXAAN SAMEYN KARAA DRS
Title: Re: SU'AAL: TIIFOW?
Post by: SomaliDoc on July 19, 2011, 05:05:02 PM
Tiifow waa cudurka loo yaqaano "Typhoid ama Enteric Fever".
Tiifowgu waa cudura ay keento bakteeriyada loo yaqaano "Salmonella typhi".
Tiifowgu wuxuu ka mid yahay cudurada dilaaga ah ee ku dhaca ilmaha in laga talaalane ay waajib tahay.
Tiifowgu waxaa ku qaadi kartaa adigoo  cuna ama caba cunto wasaq ka soo gaartay saxaro ama kaadi.
Tiifowga calaamadihiisa waxay bukaanka ka soo muuqdaan 1 ilaa 3 usbuuc ka dib markii cudurku uu qaado, taasoo kala duwan qatarteeda.
Tiifowga calaamadihisia waxaa ka mida ah: qandho ama xumad siyaado ah, tabar darri, madax xanuun, saxaro adeyg ama shuban, feeraha oo fidhidhicyo gaduudan kaaga soo baxaan iyo beerka ama beer-yaraha oo barara.
Tiifowga waxaa algu daaweeyaa antibayotik, inkastoo daawooyinka qaar ay lid ku noqoto bakteeriyada keento cudurkaan.
Dadka cudurkaan sida waa in laga mamnuucaa cunto geynta ama qeybinta khaas ahaan kuwa ka shaqeeya biibitooyinka ama maqaayadahaba.

Haddii cudurka ku haya uu yahay TIIFOW, daawada aad qaadatay waa mid loogu talagalay oo inaad ku caafimaaddo ay aheyd laakiin sheybaarrada ka jira dalka badankood wax la isku hallayn karo maahan oo waxaa laga yaabaa in aad ka cabanayso xanuun kale oo u eg tiifowga.
Talo ahaan la xiriir takhtar aqoon fiican u leh cudurrada la kala qaado ama iska baar sheybaar la isku hubo tayadiisa, kadib haddii aad qabtid tiifow, daawada Ciprofloxacinne ay wax kaa tari wayday ku noqo takhtarkii kuu qoray daawada si lagaaga badalo oo laguu siiyo daawo kale.

Mahadsanid
Title: Re: SU'AAL: TIIFOW?
Post by: KAAMBE on July 21, 2011, 08:32:42 AM
WAAD KU MAHADSANTAHAY DR. TALADAADA WAANA RAACAYAA INSHA ALAAH
MAR LABAAD MAHADSANID
Title: Re: SU'AAL: TIIFOW?
Post by: KAAMBE on July 21, 2011, 09:46:35 AM
DR WAXAA JIRA NABAR KASOO BAX IGASOO BAXAY DABADA GUDAHEEDA MARINKA SAXARADA DHINACIISA SADEX BILOOD KAHOR MARKUU DILAACAY QALAJIYEYAAL AYAAN  SITICMAALAY LAKIN NABARKI WALI WAA QOYAYNYAHAY OO DHEECAAN IYI DHOOG AYUU LEEYAHAY MARKA AAN SAXAROONAYO AYAA DABADA OO DHAN XANUUNAYSAA MARKA MAXAAN SAMEEYAA??