Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan Bile on July 18, 2011, 01:40:40 AM

Title: Su'aal: Galmada jogtada ah iyo fertilazationka?
Post by: Hassan Bile on July 18, 2011, 01:40:40 AM
waxaan u baahanahay in ay xaaskeyga uur yeelato waxaana maqley in hadii ay badato galmadu qaas ahaan aad xaaskaaga isticmaasho waxbadan ka hor ovulution ka in uu hoos u dhacaayo sperm count ga, sidaa darteed loo baahanyahay in la keydsado shahwada inta laga gaarayo maalmahaas ka ag dhow ovulutionka si fursada uurku ay u bataan, laakiin hadii galmada la badiyo waxaa hoos u dhacayo tayada shahwada fursadaha uurkuna wey yaraanayaan, fadlan iga jaahil baxsha qodobkaasna
Title: Re: Su'aal: Galmada jogtada ah iyo fertilazationka?
Post by: SomaliDoc on July 19, 2011, 07:15:13 PM
Taasi maahan mid jirto ee wax ay aaminsanyihiin dadka qaar in la keydiyo ama la xifdisto manida inta laga gaarayo xilliga ugxanta la siidaayo, xaqiiqda ayaa waxay tahay kullamaa lamaanuhu ay galmada badiyaan kullamaa fursadda in uur la qaado ay badato maxaa yeelay kullamaa manidu ay baxdo kullamaa mid caafimaad qabto lagu badalo laakiin haddii la yiraahdo hala keydiyo oo aan la isticmaalin waxaa yaraataa dhaqdhaqaaqa shahwada "Sperm Motility" taasoo saameysa uureynta.

Ogow galmada oo la badiyo ayay ku jirtaa fursada uureynta.