Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mutalib on July 31, 2011, 08:46:07 PM
-
AC. walal aad ayaad umahad santihiin hawl muhiim ah ayaad heysiin jasakumu laahu qeyr.
walal mudo ayaan xanun sanaa hadana waa uu igu fiday oo meelo badan ayaa ixanunaya hadii aan soo koobo 1994 ayaan waxaan daremay haben caga kuleyl inyar kadibna madax xanun hadana duhur kii ayan meel wax kabaran jirey kaadidii ayaa igubtay dhawr sano kadib waxaan helay dib udajin america ah waxay iga heleen Syphilis iyo H-pylori intaba dawo ayaan uqaatay lakiin xanun kii waa uu siibadanayay ilaa hada dhaqaatiir badana waan booqdey calaamadaha xanunkeyga hadii aan wax ka sheego
1 caga kuleyl
2 kaadi gubid
3 madax xanun
4 xaninyo xanun
5 wadna xanun
6 dhabar xanun
7 kor cun cun
8 kor kuleyl
walal waxaan jeclaan lahaa in aad icaawisan waxii talo iyo tusaale ha waad mahad san tihii
-
Walaal waxaad ka cabanaysaa calaamado dhowr ah oo kala duwan oo ay keeni karaan cudurro badan sidaa awgeed haddii aad noo sheegi kartid baritaannadii aad samaysan iyo jawaabihii ka soo baxay way fiicnaan laheyd.
Lakiin haddii calaamadahaaga aan dhinac siku raacsiiyo waxay noqon karaan laba cudur oo kala ah gaas calooleed iyo infakshan kaadi mareenka ama caabuq qanjirka ragga ah.
kor kuleyl, bog xanuun,caga hur, dibbiro ama daaco badan haddii aad leedahay, laabjeex kuwaasi waaa calaamado gaastiriko ama nabar gaas calooleed.
Kaadida oo ku gubto, xaniinta oo ku xanuunta, ama mid ka mid ah oo yaraatay, dhabar xanuun, qas xanuun waxay calaamad u noqon kartaa caabuq kaadi mareenka ah, caabuq qanjirka borostaytka ama caabuq xaniinyaha ah.
Si aad faahfaahin dheeraad ah uga heshid cudurradaas aan kor ku xusay una fahantid waxa ku hayo bogga ka akhriso cudurradaas oo tafatiran ama baaritaannadii aad sameysay ama warbixin ku saabsan wixii aad takhaatiirta isla marteen noo soo gudbi.
SomaliDoc