Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdifataax on August 20, 2011, 01:27:15 PM

Title: Su'aal: Cudurka KINDLER SYNDROME Daawo Ma leeyahay?
Post by: Cabdifataax on August 20, 2011, 01:27:15 PM
Dhaaatiirta waan idin salaamay

waxaan rabaa in aan ogaado cudur ku dhaca maqaarka oo la yiraahdo afka qalaad KINDLER SYNDROME oo ah sidii isfilitada ama warabowga, wiil aan walaalo walaalo nahay ayaa qabaa wuxuuna mudo dheer raadinayay cudurkaan dawidiisa ama dhakhtar dabiiba caalamka meelkasta ha ka joogee,,fadlan dhakhtar ama cidkasta oo jawaab u haysa cudurkaas waaxan uga hayn lahaa abaal fadlan ii soo jawaaba waa mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal: Cudurka KINDLER SYNDROME Daawo Ma leeyahay?
Post by: SomaliDoc on August 21, 2011, 03:00:56 PM
(http://img.medscape.com/pi/emed/ckb/dermatology/1048885-1118967-3039.jpg)
Ma hubtaa in walaalkaa uu qabo cuurkaan? maxaa yeelay waa cudur dhaxal ah aadna ugu yar dunida waxaana la sheegay in 100 kaliya ay aduunka ka qabaan, nus tiradaas ka mid ahna hal qabiil ayaa lagu arkay oo daga dalka Panama.

Cudurkaan waa cudur la bartay 1954-tii wuxuuna ku dhacaa maqaarka, waxaana calaamadihiisa ka mid ah jirka oo bocoolo yeesho iyo iftiinka oo la dhibsado.
kadib maqaarka wuu dillaalcayaa wuuna bogsanayaa kadib wuu adkaanayaa wuxuuna noqonaya mid qolfoof leh.

Bocoolaha iyo iftiinka oo la dhibsado way yaraadaan kullamaa caruurta ay weynaadaan, waana in caruurta laga ilaaliyo qoraxda kulul si jirkooda uusan u guban.

Badanaa caruurta qabta cudurkaan ilkahooda caafimad ahaan way hooseeyayan, ilkahane way ka jirradaan.

Marka ugu horreyso oo caruurta lagu fahmayo xanuunkaan waxaa la arkayaa in meelaha si sahlan uga dhaawacmi karaan ama uga murxi karaan sida jilbaha iyo suxullada oo bocoolo yeesho.

Cudurkaan waa cudur hidda-socod ah laga dhaxlo waalidka.
sida aan horay u soo sheegeyna maahan cudurrada ku dhaco geeska africa, hadii aysan firkooda uusan ku labnayn fir kale.

Cudurkaan daawadiisa waa kaalmaati uun oo ah macnaheedu in la iska ilaaliyo dhaawacyada iyo jugta taasoo ka hortagaysa in bacoolo ay suubsamaan.
In qoraxda la iska ilaaliyo ama la xirto wax qoraxda kaa xigsada, in nabraha ama dhaawacyada si sax ah loo daryeelo.

Haddii oogada meel ka mid ah dhiig fadhiisto waa in laga soo saaraa dhiiggaas, hadduu dhawacaas uu ka dhaco jirka gudahiisa una badan tubooyinka jirka sida hunguri mareenka, kaadi mareenka, saxaro mareenka waa in qalliin lagu sameeyo si aysan iskugu dhagin oo iskugu raysan.

Waa in bukankaan la talin u raadsadaa takhaatiirtaan hoos ku qoran:
- Takhtar maqaar
- Takhtar ilko
- Takhtar nafsaani ah
- Takhtar Indho ama mid qalliin
- Cilmiyaqaan cudurrada hidda-socodka ah.

Ogow waxaa jiro dhowr cudur oo u eg cuurkaan laguna qaldi karo, hadduusan qofka aqoon u lahayn, fadlan la xiriir takhtar aqoon u leh cudurrada maqaarka.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waa na waydiin kartaa.
SomaliDoc
Title: Re: Su'aal: Cudurka KINDLER SYNDROME Daawo Ma leeyahay?
Post by: Cabdifataax on October 08, 2011, 04:22:39 PM
waa mahadsanatahay doctor

dhaqaatiir badan oo lala xiriray oo adiga ka mid tahay waxay leeyihin waa dhaxal hase ahatee ma jiraan cid ka mid ah oo reerkeena ama qaraabda dhow oo qaba cudurkaan xitaa waxaa la is warsaday haday jiraan awoowayaal ama caruur kale oo ku dhalatey waxaana la isku raacay in uu qabo kaliya wiilka walaalkey,,ilaa in mudo ah waxaan raadinaynay daawo laakiin weli kuma aanan guulaysan in aan u helno daawo sax dhaqaatiirta weli waxay ku jiraan baaris caafimaad sida ay sheegeen qubaro caafimaad joogta wadanka jarmalka ayna ka qaadeen dheecaan iyo dhiig iyo qayb ka mid ah jirkiisa si ay wax badan uga ogaadan ayagoo sheegay in uu cudurkaan yar mid dhif ah oo aan ku badnayn dunida, mar labaad waa mahadsantahay hadii aad hesho wax kale oo macluumad ah fadlan ila soo socodsii..waa ku salamay
Title: Re: Su'aal: Cudurka KINDLER SYNDROME Daawo Ma leeyahay?
Post by: SomaliDoc on October 16, 2011, 01:00:26 AM
Allaha caafiyo walaalkaa.

Waxaan ku weydiiyay ma ii sheegi kartaa isbitaalka looga sheegay cudurkaan? iyo in ay ahayd sanadka laga sheegay 2008-dii? da'diisane ay ka weyntahay 30 sano?