Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Raaliyo on August 28, 2011, 04:55:15 AM
-
a/s dhamaan bahda webkaan waxaan kaloo salamayaa dhaman dhaqatarada u howlan inay caawiyaan walalayaashood dhiban ilaah xasanad ha a siiyo bacda salaan aniga waxaan qabaa suaall inaan weydiiyo dhaqataraka waxaa dhacday inaan helay dhiiga cadada bishii augusta 15 keeda afara casho buu socday 7 asho markay ii hayd wan qubaysatay wan soomay wax iga goay ma leh ila hada an kula hadlaayo wax yar baa socday mar walba marna waa tagayaa marna waa soo noqonaya colorkiisana waa dar brown ama madoow manta buu hadana xoog u yimadayisagoo dhiig ah markaa walalow maxa qalqaliyey ma ii sheegi karta uurse ma noqon karaa waxaan rabaa inana ku sheego hada ka hor waligiis sidaa ma noqon waa markii igu horayasya aan isu arko waxaan kaloo ku shegaya ma qal qalin karta irbadaan la yiraahdo cartisone ba laygu dhuftay 3 isbuc a hor ka dib waxan bana isu arkay ad baan u worryin gareenayaa bal ila soo gaara jawaabata somali doctor. ??? :'(
-
Hadduu jirka ku bato hormoonka Cortisol, ha badiso cirbad ama welwel qofka ku dhacay dartiis, wuxuu khalkhal galiyaa caadada dumarka.
Sidaa darteed haddii aadan horay isugu arag caado wareer oo markii cirbaddaan aad qaadatay bilawday iyadaa keentay ee waxba ha walwalin, maxaayeelay welwelka laftirkiisa ayaa wuxuu siyaadiyaa Cortisolka.
Halkaan ka akhriso qoraal ka hadlayo jahwareerka caadada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html)