Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fatxifoos on September 03, 2011, 06:26:05 PM
-
Salaam kuligiin iyo dhaqtaradaba. Sln ka dib... Waxan qaati ka joognaa mid naga mid ah oo markaynu seexano aad u Qarwa (sleep talker ah) marka uu qarwayo wuxu sheegayaa wax aynan fahmeyn oo isku dardarsan. Marka loo sheego inuu hurdada noo diiday qarow dartiisna wuu naga xumaadaa oo wuu xanaaqaa ka dibna wuu ka sii daraa qarawgii isagoo aan u maleyno inuu Dameer qeylinaayo. Haddana Quraan saar waa lagu dayey waxse ma is badalin, waxaan is nidhi malaha qaadka uu raamsanayaa u sabab ah? Lkn qaadka laga ma joojin karo ileyn isagaa iska dabra gurigana kama erin karno koley waa member ka tirsan faamilkee, kolka dhaqtar sidee waxaan (Qarawga) looga daaweyn karaa? Qofkaan wuxu hada la liitaa cuqdad dadkana lama seexdo gooni joog ayuu noqday inuu seexdana waa lagu kari la' yahay ee maxa talo ah ama daawo ah oo eleminate degdeg ah nagu siineysaan. Waad ku mahadsan tahay haddaad tan xal u heshid. Thanks all.
-
Qarawgu waa cabsi ama qaylo ka yeerto qof hurdo, caafimaad ahaanne waxaa la yiraahdaa "Nightmares amd Night terrors", Calwasaadku waa markii qofku uu hurdada ku dhex hadlo (Somniloquy) ama ka soo istaago sariirtiisa uu socdo (Somnaambulism) ama fadhiisto isagoo hurdaayo.
Qarawgu iyo Calwasaadku waa laba arrin oo kala duwan oo si kala duwan loo maareeyo.
Daaweyntu arrintaan waxay la xiriirtaa in la garto waxa keenaya iyo muddada uu hayo qofka, sida aad ka dhawaajisanyna, dadka isticmaalo maandooriyaasha aad ayay u calwasaadaan oo xitaa intay istaagaan iska socdaan iyagoo aan ka warqabin taasoo helis galin karto naftiisa.
Sidaa darteed takhaatiirta waxay kula taliyaan dadka noocaan ah in ay iska joojiyaan waxyaabaha ay isticmaalaan sida qaatka.