Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nuur12 on September 16, 2011, 09:26:15 AM
-
salaan ka dib websitekan waxaan uga baranay su aalo iyo jawaabo sax ah
shuruudona leh laba isbuuc baan su gaayay su aal aan qoray iyo su aalo dad kale qoreen sida
ciyaalka lugta laga xidho oo nin aqyaarta ka mid ahi soo qoray ana aan rajaynayay iyo taydoo ahayd ma la helaa wax dabeeci ah oo kordhiya dareen ama kacsiga dumarka ama daawo ah waan su gaa markale wa bilaahi tawfiiq
-
Su'aalaha badanaa aan laga jawaabin waa kuwa soo noqnoqda oo horay looga jawaabin.
Fadlan inta aadan su'aasha soo gudbin akhri jawaabihii hore.
Inkastoo aysan jirin qaab daaweed la ansixiyay oo lagula tacaalo kacsi yarida haweenka laakiin waxaa jira dhowr baaritaan ay ku socoto xagga waxtarkooda.
Qalab fakuum ah oo hawada dhuuqo ayaa ah qalabka caafimaad ee kaliya ee la hubo waxyarkiisa kaasoo loo adeegsado in qulqulka dhiigga uu ku badiyo kintirka iyo xubinta dumarka markaasne ay dareento kacsi.
Badanaa haweenka dareemo xanuun xilliga galmada waxaa loo qoraa daawooyin xanuun baabi'yaal ah iyo kareemyo yareeyo xanuunka meesha qaarkood kalane loo qoro subkiyayaal ama daawo hormoon ah.
Bukaanno badan oo haween ah oo ka cabanayaan xaaladaan ayaa waxaa loo xawilaa takhaatiir iyo lataliyaal dhinaca nafsaaniga ah si ay xal ugu helaan.
Maadaama dareenka dumarka uu asal ahaanba uu ka soo jeedo caadifadda iyo xaaladda nafsaaniyadeed ee ay ku sugantahay haweenta ayaa waxaa caafimaad ahaan la isku raacsanyahay in wixii welwel ah ama niyad jab ama xanuun ah oo horistaagi kara kacsiga iyo raaxaysiga dumarka in la xalliyo.
Taasi waa ay ka duwantahay midda ragga.
Wixii faahfaahin intaa dheer ka akhriso jawaabihii hore: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3818.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3818.0.html)