Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed333 on September 21, 2011, 01:46:25 PM
-
walal waan idin salaamay waxaan ahay qof qaba cagaarshow B markii lay baadhay dhiiga inta virus ku jirtaa aad ayay u yartay ayay yidhaahdeen dhakhatiirtii i baadhay markii layga hellay waxay ahayd 2006 hada mudo ayaa ka soo wareegtay sandkii ugu horaysay way eegeen waxay yidhaadeen wax isbadal aha muu samayn muu sii faafin hada way eegeen sand kadib waa sidii ayay yihadeen markaa waxay yidhaahdeen 2 sanaba mar ayaan eegi doonaa wax koriina ma samaynayo varusku se dhunkasho qof aan guursanyo ma ku qaadsiin karaa maxaad igula talin lahaydeen ma idhaa 6bilood mar ha lay badho mise sidaasaan u daayaa 2 sanaba mar waad mahdsantiin.
-
Haddii qoyaanka afka is gaaro wuu ku gudbaa cudurka cagaarshowga sidoo kale haddii la isla wadaago cadayga iyo burushkaba.
Midda kale haddii baaritaanka uusan is badalin 2 sano kadib in aad sidaa ku wadid ayaa habboon oo labadii sanaba mar aad iska baartid maadaama isbadal inuu ku dhaco lex bilood gudahood aysan suurtagal ahayn.