Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Wahiib143 on September 30, 2011, 10:45:12 AM

Title: Su'aal: Daalka jidhka?
Post by: Wahiib143 on September 30, 2011, 10:45:12 AM
Asc dhamaantiin dhakaatiirta somaaliyeed doctor sidaan horey webka usoo galiyey waxaan daal ka dareema lugaha iyo muruqyada jidhka sida kuwa gacmaha ama kuwan lugahaba hadaba wakhtiyada aan dareemo xanuunkan waxay tahey hadaan yar jiifsado oo aan soo kaco waxaan dareema daalkaas jidhka ama garaacaas jidhka
kadibna waan toosaa garaacii badnaa ee jidhka iga hayey wuu iga baaba'aa markaa maxaa keeni kara daalkaa jidhka ma muruqyo xanuunbaa mise waa bilaa tamar mise xanuuno kale. aan mid kalena idiin raaciyo waxaa i olola jidhka gaar ahaan qoorta iyo dhabarka xagiisa dambe taasna maxaa keena
khayr baan idiin rajeynayaa... allana janooyinkiisa kuwa ugu qaalisan ha idin siiyo
Title: Re: Su'aal: Daalka jidhka?
Post by: SomaliDoc on October 07, 2011, 12:17:25 PM
Daalka jirka wuu ka imaan karaa murqo xanuun ama lafo xanuun labadaba, waxayna ku xirantahay sida aad wax u dareento.

Sidaa darteed halkaan ka akhriso qoraalladaan, kadibna haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah na soo weydii:

Daal iyo Xanuun Jirka ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3634.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3634.0.html)
Murqo xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1436.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1436.0)
Riixa: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2190.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2190.0)
Lafo-beelka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0)
Xubno xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=403.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=403.0)
Dhabar xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=570.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=570.0)
Fibromyalgia: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html)