Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jamaal on October 01, 2011, 10:11:50 PM
-
asc
walala waxaan idin weydiinayaa soonkii waxii ka danbeeyay waxaa isku arkey xaaqadeeda in ay soo saarcaado mar mar dhiig
Maxay tahay walala dhiigaaa ????
waa cudur noocee ah
waad mahadsantihiin
-
Xaakadaada oo dhiig soo raaco maahan hal cudur oo kaliya wuxuu noqon karaa cudurro badan mid ka mid ah: tusaale ahaan in aad cirid dhiig leedahay, in sambabada aad ka jirantahay oo burkiinto, oofwareen ama tiibisho aad qabto.
Sidaa darteed waxaa habboon in aad noo sheegtid haddii aad leedahay calaamado kale ee la socodo xaako-dhiiggaan sida: qufac, neefqaad, feero xanuun, qando iyo wax la mid ah.
Illaa goorma ayaa isku aragtay cilladaan xaako dhiigga ah, goormeena kaa timaadaa.
dhiigga ma mid gaduud oo fresh ah miyaa mise mid xaakadada ku dhex qasan?
Walaal warbixin dheeraad ah naga sii xaaladdaada.