Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Brhn20 on October 04, 2011, 08:45:37 PM

Title: Su'aal: Bararka laf dheerta?
Post by: Brhn20 on October 04, 2011, 08:45:37 PM
Asc dhaqtar waxaan ka cabanaya lugta midig qeebteeda laf dheerta  waxan ahay reera sporti dhaqtar  luga ayaa taako liga saaray  marka waxan  ka cabanaya ila 7 bilood   waxad u maleya in ay barar-santahay mar marka qaar xidid burtuq burtuq leh ayaa ku arka
Title: Re: Su'aal: Bararka laf dheerta?
Post by: SomaliDoc on October 07, 2011, 04:19:04 PM
La xirii takhtar si laguu daaweeyo maxaa yeelay haddii lugtaada at bararsantahay jug laguu geestay kadib waxay u badantahay in dhiig uu fariistay meesha jugta kaa gaartay, haddii ay tahay muddo dhow waxaad u baahan doontaa in lagaa soo saaro dhiiggaas, laakiin haddii ay tahay wax fog oo hadda meesha ku xinjiroobay kuna adkaaday, waxaa laga yaabaa, haddii ay jug kale ku gaarto in ay malax isku badasho.

Lab goorba la xiriir takhtar.