Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Caqli on October 16, 2011, 10:36:21 AM

Title: Su'aal: Isticmaalka kaniiniga feegada?
Post by: Caqli on October 16, 2011, 10:36:21 AM
salaan sare
waan idiin ka mahad celinayaa sida aad noo caawisaan
waxaan isticmaalaa kiniinka feegada halmidh ka hor saacad marka aan xaaskayga u tagayo si uu iiga taageero qancinta xaaskayga
waxa kale oo aan cunaa islamarkaa hal xabo oo baraysitamol ah markaa daawadan caafimaad daro makeeni kartaa
Title: Re: Su'aal: Isticmaalka kaniiniga feegada?
Post by: SomaliDoc on November 01, 2011, 09:49:29 PM
Daawada feegada ma adigaa iska isticmaalay mise waa laguu qoray?
Kaniiniga barasitamoolkane maxaad u isticmaashaa?
Title: Re: Su'aal: Isticmaalka kaniiniga feegada?
Post by: Caqli on November 18, 2011, 07:48:51 PM
wall dhakhtar ayaa isawiray ka dib waxa uu idhahay waxa ku yar xiniinta bidixda ah in ay shaqaynaysana umalayn maayo isla markaasna waxaan u sheegay in aan dareemayo in ay jirto hamad jab hadaan sii macneeyo marka aan xaaska u galmoon rabo oo gusku uu kaco isla cabaaryar ka dib wuu damayaa oo wuu seexan intaasna markaan u sheegay dhakhtarkii waxa uu ii qoray kiniinka feegada hal xabo isticmaal markaa waan iska wadaa intaas ka dib marka aan cuno feegada waxa aan isku arkayaa madax xanuun markaa waxaan cunaa isna baraysitamool si madax xanuunku iiga ba'o

bal arinku waa sidaas ee maxaa tallo ah
Title: Re: Su'aal: Isticmaalka kaniiniga feegada?
Post by: SomaliDoc on November 21, 2011, 08:27:29 PM
Dhibaatooyinka ay keento daawadaan waxaa ka mid ah madax xanuun, halkaan ka akhriso waxyeellada daawada feegada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3443.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3443.0.html)