Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on November 16, 2011, 07:05:21 PM

Title: Su'aal: Roob Sugowgu Ma Cudur Baa?
Post by: CilmiSabca on November 16, 2011, 07:05:21 PM
Asc dhamaantiin Dhakhaatiirta, xubnaha webka & martida-ba. Sln ka dib. Dhakhtar, waxaa dhacda xiliyada uu Roobku bilaabna hayo, gaar ahaan marka uu jiro kuleylka Hawada, in dadka qaarkood uu ka soo yaaco firiiric yaryar oo cun cun miidhan ah & barar yar oo ka hooseeya meelaha ay firiirica (Nabarro ama finan yar yar oo dadka korkiisa ka soo yaaca; ciir.) ka dilaacaan.
Haddaba, Dhakhtar, waxaa la sheegaa in waxaas firiiricyada keenaya ay yihiin Roob sugoow. Saas darteed, Dhakhtar, Roob sugoowgu ma cudur baa? Mase ka mid yahay cudurrada Maqaarka ee Alerjiga leh?
Finally, waad Mahadsan tihiin dhamaantiinba.
Title: Re: Su'aal: Roob Sugowgu Ma Cudur Baa?
Post by: SomaliDoc on November 21, 2011, 11:07:29 PM
(http://somalidoc.com/Topics/roob.png)

Faruuruc wato cuncun oo ka soo yaaco maqaarka weliba xilliyada uu jawigu caburanyahay khaasatan roobka ka hor, waxaa loo yaqaannaa "Miliaria".

Miliaria waa dhibaato guud oo u badan caruurta, waxayna ka timaadaa daldaloodada jirka oo xirma kuwaas oo ah meelaha yaryar ee jirka hawadu ka gasho. Waxay aad u sii daran tahay marka hawadu diiran tahay ama aad loo kululaado.
Nooca aadka u darani wuxuu dhaliyaa guduud iscuncun leh afkana biya ku wata.
Nabaradu waxay ku dhamaadaan dhowr berri laakiin waa laga yaabaa inay soo noqdaan.

Qofku wuxuu dareemaa in cirbado lagu mudayo oo wuxuu jecelyahay in dharka iska bixiyo si uu hawo u helo oo markii uu leersado ayaa xanuunka ka yaraadaa.

Miliaria waxay badanaa ku dhacdaa dhafoorka, dhabarka, camanka, indhaha galkooda iyo sanka mararka qaarkood. Waxay kaloo ku dhacdaa meesha dharku kaga xiran yahay.

Markuu qofka hawl culus qabto sida inuu jimicsado, ama ordo ama naxo ama cunno kulul cuno waxaa kaco heerkulka jirka taasoo keento inuu dhidido , haddii duleelada ay ka soo baxo dhididka uu xiranyahay waxa keensataa in dhididka hoos u baxo taasoo keensato in jirka ku xajiimooda.

Nooca sahlan oo miliaria-da ah uma baahna daawayn wayna iska dhamaanaysaa haddii hawo qabow la helo sida markuu roobka da'o oo kale ama iska ilaaliso waxyaabaha dhididka kuu keenayo si khafiifana aad u marsato kareemka jirka qooya. Marmarka qaarkood cortisone cream aan awood weyn lahayn ayaa laga yaabaa in dhakhtarku kuu qoro si uu u caawimo maqaarka cuncunka leh haddii uu caabuqo. Waxaa kaloo laga yaabaa in la isticmaalo kareemka lidka khamiirka (anti-yeast cream).

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iig usoo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)