Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdikani on December 10, 2011, 02:01:33 PM
-
asalamu alaykum doctor su'ashayda waa. Waamaxay blood infection, maxaa sababa maxaa looga hortagi karaa maxaa daawo u ah?.
-
Blood infection waxaa kaloo loo yaqaannaa "Sepsis" oo ah macnaheeda in dhiigga uu sumoobo markii bakteeriyo ay ka buuxsanto.
Sumoobidda dhiigga waxuu ka dhalan karaa bakteeriyo soo weerarto meel kasto oo jirka ka mid ah sida:
1- bakteeriyada mindhirrada soo weerarto
2- Kilyaha iyo kaadi mareenka
3- Maskaxda taasoo keento qoorgooyaha (meningitis)
4- Beerka iyo xameetida
5- Sambabada taasoo keento oofwareen (Pneumonia)
6- Maqaarka
Caruurta, sumoobidda dhiigga wuxuu ka imaan karaa bakteeriyada ku dhacdo lafaha, dadka xanuunsan ee isbitaallada jiifana waxay sumoobidda dhiigga ka qaadi karaan howlaha loo qabto sida kanulka la suro, nabraha qalliinka iyo boogyada ku samaysmo haddii in muddo ah sariirta saarnaadaan.
Claamadaha lagu garto sumoobidda dhiigga waxaa ka mid ah:
Cadaadiska dhiigga hoos ayuu u dhacaa, iyadoo keento in qofka uu galo xaalad "shock" xubanaha ugu muhiimsan jirka sida kilyaha, beerka, sanbabada iyo maskaxda waxay joojiyaan in safiican u shaqeeyaan.
Calamadaha kale ee guud waxaa ka mid ah:
1- Qandho qarqaryo wadato
2- Wareer iyo calwasaad
3- Kaadida oo yaraato
4- Qandho siyaado ah ama heerkulka oo aad u hooseeyo.
5- Qofka oo neefsigiisu bato
6- Diidis maadaama cadaadiska dhiigga uu dhacsanyahay
7- Wadno garaac siyaado ah
8- Faruuruc nabro ah oo oogada ka soo yaaco
9- Maqaarka oo diiran.
Sumoobidda dhiiiga waxaa lagu hubsadaa baaritaanno dhiig oo la sameeyo inkastoo hadduu qofka markaas uu qaadanayo daawo antibaayotik ah ay qarin karo in la ogaado cillada sumoobidda dhiigga, daawadaasne qofka aysan waxba ka taraynin.
Qofkii qabo cudurkaan sumoobidda dhiigga, waa in isbitaal la jiifiyo maahan cudur lagu daaweyn karo farmashi ama guriba, khaas ahaan wuxuu u baahan karaa qofka xanuunsan in la geeyo qeybta daryeelka dadka aadka u jiran.
Waa in la siiyaa antibaayootik cirbado ah oo laga siinayo xididka.
Wuxuu u baahan karaa in lagu xiro qalab ku saacido neefsashada una helo oxygen, in lagu xiro faleebooyin sare u qaado cadaadiska dhiigga dhacsan.
Haddii kilyaha ay howl gabaan wuxuu u baahnaan karaa in kilyaha la sifeeyo.
Cudurkaan waa cudur halis ah dadka badanaan way u dhintaan, haddii si dhakhso ah loo daaweynin ama cudurka la garan waayo.
Sumoobidda dhiigga waxaa looga hortagi karaa in qofka nadaafaddiisa guud uu ilaaliyo, hadduu xanuun dareemane in uu la xiriiro takhtar uu isaga is daawaynin.
-
DR WAXAN RABAA INAAN OGAADO XANUUNKA KEENA IN QOFKA DHIIGA LAGA BEDELO SANDKIIBA AMA DHOWRKI BILOODBA MAR MASE LA KALA QAADAA XANUUNKAAS MAXAASE KEENA
-
xanuunno dhowr ah ayaa jira oo qofka keensanayso in laga badalo dhiiggiiba mar usbuucii ama laba mar, waxay noqon kartaa in qofka uu qabo howlgab kilyaha oo suntii jirka in kilyaha ay ka saaraan la rabo ay dhiigga dhex fadhiso taasoo qofka halis galin karto noloshiisa, marka jirka ayaa laga sifeeyaa suntaas ee dhigga lama badalo.
midda kale waxaa jiri karo in dhiigga ay ku jiraa maadooyin lid-jirka ku ah oo weerar ku hayo unugyada jirka taasoo muhiim ah in iyadane dhiigga laga sifeeyo oo ah nooc daaweyn ah.
waxyaabaha kale ee dhiigga looga badalo khaas ahaan caruurta waxaa ka mid ah in jirkiisa ay ku badan tahay cagaariyaha billirubin oo maskaxda caruurta dhaawac u gaysan karo markaasne waxay keenaysaa in dhiigga laga badalo caruurta.
kuwaas iwaa tusaalooyin kooban.