Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on December 20, 2011, 09:10:12 PM

Title: Su'aal: Oonka badan ma keeni karaa Caafimaad xumo?.
Post by: CilmiSabca on December 20, 2011, 09:10:12 PM
Asc walaalayaal dhamaantiin, salaan ka dib.
Dhakhtar, haddii uu qof ama dad badan ay waayaan biyo ku filan oo ay cabaan ama ay noloshooda ku maareeyaan in muddo ah:, dhibaatooyin caafimaad miyaa ku dhici karta oonka dartiis?
Su'aashan waxa aan u keenay ka dib qaraxyo ka kala dhacay xeryaha Qaxootiga Xagardheer iyo Ifo, kuwaas oo ay jawaabtoodu noqotay in ay hay'adduhu biyihii la cabi jiray joojiyaan iyadoo aysan xeryahaasi ka jirin ceel kale, isla markaana ay dadku biyaha ka cabayeen meelo ay roobabku biyo dhigeen. Haddaba biyahaan roobku dhigay ee ay dadku caba hayaan iyaguna ma keeni karayaan cudurro maadaama ay dhoobo leeyihiin xooluhuna dhex socdaan?
Waxaan rajeynayaa in aan siyaasad kale loo arkin faahfaahinta su'aashaan, waadna mahadsan tihiin.
Title: Re: Su'aal: Oonka badan ma keeni karaa Caafimaad xumo?.
Post by: SomaliDoc on January 07, 2012, 02:52:34 PM
(http://somalidoc.com/Topics/oonka.png)

Oonka wuxuu keenaa fuuq-bax, biyaha caafimaadka aad ayay ugu muhiimsan yihiin oo haddii jirka ay ku yaraadaan waxay keenaan caafimaad darro, sida in kilyaha ay dhaawacmaan, in jirka uu sumoobo oo wasakhdii laga saari waayo, in cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaco, wareegga dhiigga uu yaraado, in macdanta jirka ay isku dheelli tirnaan wayso iyo in wadnaha uu howlgabo, jirkane la gaarsiin waayo dhiig ku filan, ugu dambayntiina qofka xubnihiisa jirka ugu muhiimsan ay fadhiistaan kadibna u dhinto.

Marka biyaha in safiican loo cabo ayuu caafimaadka ku jiraan, haddii ay yihiin biyahane biyo sida aad sheegtay wasakh leh oo caafimaad darro laga qaadi karo sida cudurrada saxarada laga qaado, cudurrada ay xoolaha gudbiyaan iyo gooryaannada iyo sunta laga cabi karo biyaha aan sifaysneen.

Waxaas dhan waxay u horseedi karaan caafimaad darro, waxaan dadkeenna eebbe uga baryayaa in uu oonka iyo abaarta ka qaado.
Akhriso qoraal aan uga hadlay hadda ka hor faa'idooyinka cabitaanka biyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5971.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5971.0.html)

Dadka aan abaarta haysanin oo biyo hali karane waxaan kula talin lahaa in ay maalintii cabaan ugu yaraan 3 litre inkastoo ay ku xirantahay meesha aad ku nooshahay cimilladeeda oo laga yaabo in intaa ka badan xitaa aysan waxba kugu taraynin.

Dad biyaha u cabo oonka kaliya ama in ay cunnada ku calaajiyaan ama iska dajiyaan, waa muhiim in ay ogaadaan caafimaadka ku jiro si ay ugu dadaalaan, waxay kaloo fariintaan ku socotaa dadka ka caajisa cabitaanka biyaha ama ku mashquula waxyaabo ay isleeyihiin way idinka daycmayaan sida suuqleyda ama dadka ka shaqeeyo xafiisyada iyo bankiyada, kuwaas oo aanan rabin in ay musqusha u aadaan kaadida.

Cabitaanka biyaha caadiga hala badsado.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Oonka badan ma keeni karaa Caafimaad xumo?.
Post by: CilmiSabca on January 08, 2012, 12:34:48 AM
Aad iyo aad ayaad u mahad san tahay Somalidoc.
Qofna ma noolaan karo Biyo la'aan inta uu noolaan karo Cunto la'aan. Allaha ka qaado Ummadda Soomaaliyeed dhibaatooyinka dhinac kasta oo nolosha ah ka haysta. Dhakhtar, Aad ayaad u mahad san tahay mar kale.