Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cumsan_Aftahan on December 22, 2011, 11:23:40 PM
-
Asc, dhaqaatiirta sharafta leh waan idin salaamay, waxaan ahay wiil dhalinyar oo dhowr bilood ka hor guursaday, wax owlaad ahna ma helin, owlaada alle ayaa hayo, dadaalna waa lama huraane, waxaan u tagay dhaqtar, oo aan sheegay waxa aan rabo, labo baaritaan ayuu ii diray, labadiiba waan soo maray, waxa la iga helay marki uu ii sheegayna ma aanan fahmin, sababtoo ah luuqada uu ku hadlayo ma garanayo, kaliya hadalkiisa waxaan ka fahmay in aan u baahanahay in qowraha qaliin la iiga sameeyo, marka labadii baaritaanba qoraalkeygan ayaan kusoo lifaaqayaa, waxaan jeclaan lahaa, dhaqaatiirta iney ii mid mid iigu sheegaan labada baaritaan waxi cilad ah ee la iga helay, iyo waxa uu yahay qaliinka uu sheegay dhaqtarka inan u baahanahay. iyo waxa keenay dhibaatadaas, iyo hadii ay jiraan, waxyaabo ka fudud, oo aan qaliinkaas uga maarmi karo.. labadii baaritaana waa kuwan..
SEMEN ANALYSIS
PHYSICAL EXAMINATION
Volume 2.5 ml
Colour Yellowish white
Reaction alkaline
Viscosity Viscoid
Liquifaction 25 min.
MICROSCOPIC EXAMINATION
Red Cell 0 – 1 /HPF
Pus Cell 0 – 1 /HPF
Spermatocytes Present
Parasites Nil
Epithelial Cells Nil
Sperm Viability & Motility
Time % Viable Motility
After liquifaction | 50 | 10 % Active | 15 % Moderate | 75 % Sluggish |
1 Hour | 45 | 5 % Active | 15 % Moderate | 80 % Sluggish |
2 Hour | 40 | 0 % Active | 15 % Moderate | 85 % Sluggish |
3 Hour | 30 | 0 % Active | 10 % Moderate | 90 % Sluggish |
Sperm Count 108.000.000 / ml
Abnormal Forms 20 %
baaritaanka labaadna waa kan
Scrotal ultrasound
FINDINGS:
Structural anatomical assessment;
* - Both testes are symmetric in size, the right testis measures 4.6 X 2.3 cm and the left one 4.5 X 2.3 cm. They show homogenous texture without focal intraparenchymal mass lesions
- No peritesticular fluid collection seen
* No epididymal cysts or masses identified on either side
Scrotal hemodynamics :
-Considerable amount of intraparenchymal blood flow throughout both testes
-No focal intratesticular perfusion defects. Normal testicular arterty and its branches.
-A collection of abnormally dilated, tortous and elongated veins of the pampiniform plexus which demonstrate slowly flowing colored signals are located posterior to the testis, accompanying the epididymis and vas deferens within the spermatic cord bilaterally.
-No spontaneous venous flow detected on the dilated veins on both sides but transient retrograde venous reflux ( grade i reflux) occured throughout the valsalva manoeuvre and consistent with stop-type mild varicocele.
IMPRESSION:
Mild bilateral varicocele with grade i venous reflux.
waxaan rajeynayaa inaan caawimaad deg deg ah idinka helo, insha allah
-
Asalaamu ALIKUM
Walaal, wadenkee joogtaa.................. meeqo bilood ayaad is qabteen.......... xaaskaaga baaritaan malagu sameeyey............ waqtiga aad is qabteen hal meel mawada joogteen.......... intaa wa very importent....
mida kale sida aad sheegtay ilmaha Allah baa ku siinkaro.
laakiin as medical, qofka waa in ay isla joogeen mudo hal sano ah, si joogto ah halkaas sano ay u wada kulmaayeen. markaas kadip ayaan dhahi karna something is wrong. laakiin bilooyin baad tiri, meeqo bil ayaad is lajoogteen.
mida kale sida U/S report u sheegay in aad Mild bilateral varicocele with grade i venous reflux. grade one, waa ok. laakiin WHO baaritaan ay sameysay waxaa lasoo ogaaday Mild bilateral varicocele with grade1 u can still have childreen.
aniga waxaan kuugu latali lahaa hadaa heli kartid another opinion way ka sii fiicnaa laheed. ha ku degdegin qaliinka, marka hore. waxaa arkay rag badan oo with Varicocele oo caruur leh. marka first seman Analysis at least 3 times, with different Lab, and an experinced U/S with good Urology doctor. ha iloowin in aad xaaskaagana la baaro.
-
Asc, Walaal waxaan joogaa Egypt, mudo sagaal bilood ah baan is qabnaa xaaska, waana isla nool nahay, iyaduna baaritaan wey sameesay and she is ok, marka baaritaanka koowaad ee semen-ka ma wax cilad ah ayaa jira? kan labaad oo U/S ahna dr-ka waxuu igu yiri ilmo ma dhali kartid adigoo qaliin laguugu sameen
-
Horta walaal cusmaan waxaad ogaataa in aadan ilmo ku dhali karin baaritaanka ultrasoundka aad samaysay iyo in kale takhtar kuuma sheegi karo maxaa yeelay haddii aad qabtid varicocele heerkeesina uu yar yahay macnaheeda maahan in aadan dhali karin iyo in aad qalliin u baahantahay, dad qabo oo ku dhalay waan aragnay, laakiin cudurka varicocele in uu keeno madhalaysnimo middaa la iskuma heesto.
Midda kale oo muhiimka ah waxaa waaye muddada aad is qabtaan xaaskaaga ma gaarsiisne muddadii la dhihi lahaa madhalaysnimo ayaa jirto.
Waxaa kaloo kuu sheegi lahaa waxyaabo waxaa jira keeni karo in uur la qaadi waayo haka timaado ninka ama naagta oo nafsi ah oo baritaanno dhiig iyo kumbuyutaro lagu ogaan karin. tusaale ahaan waxyaabaha haweenka in ay uur qaadaan ka hor istaagi karo waxaa ka mid ah: welwelka iyo fakarka oo ah waxyaabo aan al baari karin, xitaa arintaan ku saabsan in aad uur yeelan waydo ayaa welwelka ay kugu abuurayso laga yaabaa in ay qeyb ka tahay uur la'aanta.
Baaritaanka hore ee semen-ka ah wax cillad ah kama jiraan.
Cudurka uu kaa sheegay baaritaanka danbe haddii aan in yar kaaga faafaahiyo:
Varicocele waa bararidda arooriyaasha dhiigga ee qooraha, haddii xididka arooriyaha uu dhiigga safiican uga saari waayo qooraha waxay keensanaysaa in dhiig badan xididada ku aruuro oo ay fadhiistaan taasoo barar burtuqyo oo kale uga muuqato xaniinyaha korkooda iyo gadaashoodaba.
Varicocele wuu ku dhacaa hal xaniin ama labadaba, boqolkiiba 85% xaalada wuxuu ku dhacaa xininta bidix maadaama xididka arooriyaha bidix uu ka cadaadis badanyahay kan midig, dhiiggane toos ugu shubo arooriyaha weyn oo sida tooska u taga wadnaha.
Madaama dhiigga uusan ka baxaynin xaniinta, dhigga badanaa ma qaboobayo wuu kulaalanayaa, heerkulkane markuu ka bato sida dabiiciga ee xaniinyaha waxay keensanaysaa madhalaysnimo maadaama kuleelka uu dilayo unugyada shahwada, kuleelka wuxuu kaloo ka hortagaa in unugyo cusub oo xawo ay suubsamaan.
Nimanka qabo ma dhalaysnimada boqolkiiba 40% waxaa u keenay cudurkaan varicocele.
Varicocele wuxuu abuurmaa markii haniyaha xididka arooriyaha ee hawlgabo sidaasne uu dhiiga uu kor ugu celin waayo.
Calaamdaha lagu garto cudurkaan waxaa ka mid ah:
- badanaa calaamdo ma lahan dadka qaba cudurkaan.
- Xanuun xaniinyaha ah
- Culeys laga dareemo xiniinyaha
- Madhalaysnimo
- Xiniinta oo baaba'do ama yaraato.
- Xididada bararkooda oo soo muuqdo lana taaban karo.
Waxaa xanuunkaan lagu garan karaa xaalada qaarkood wiisito muuqaaleed, laakiin markii billaw ay tahay oo aad u yartahay waxaa lagu ogaadaa baaritaanno ay ka mid tahay:
- Ultrasound kalarka ah.
- Baaritaan heerkulka xiniinyaha.
- Baaritaan xididada arooriyaasha.
Daaweytu waa qalliin haddii xanuun uu joogto noqdo ama saameyn ay ku yeelato xaniinta, badanaa xaaladahaan waxaa lagu saxaa qalliin loogu talogalay loona yaqaanno "Varicocelectomy" taasoo ah macnaheeda in la xiro xidada jiran.
Farsamooyin qalliin kale way jiraan oo loo adeegsado xaaladdaan, taasoo hadii aad u baahatid kaala hadli doono takhtarkaaga.
Rajada ka soo kabsashada xanuunka waa mid fiican inkastoo boqolkiiba 5% illaa 20% ay soo laalaabato ama dhici karto ina xaniintu ay biyo galaan taasoo isku badasho xaalad kale oo loo yaqaanno "Hydrocele" tanne qalliin kale oo sahlan ayaa lagu saxaa iyadane.
Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na weydiin kartaa.
SomaliDoc
-
asc walala waan idin salaamay drska somaliyeed walal cudurkan varicoceleka wax daawo ah oo aan ahayn qaliin oo uu leeyahay majirtaaa xiligan lajoogo ama herbs walaal aadbad u mahadan santihin jawaabtiina xanuun jooghta ah ayuu igu hayaa qaliina majecli marka igu caawiya waxii talo ah mahadsanidin walalayaal
-
Varicocele waa cudur qalliin, daawo afka laga qaato ama xididka ama muruqa oo wax ka tarayso ma lahan.
Ama qalliin ayaa lagu sameeyaa ama farsamo kale oo xididka arooriyaha lagu xero.