Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gantaal on December 23, 2011, 09:20:10 PM
-
walaal marka hore waan idin salaamay marka 2aada waan idiin du cayn hayaa illaahay dambigiina iyo dambiga waalidkiiba ha idiin dhaafo intaa kadib walaal canug yar oon dhalay oo hal sano iyo bar jira oo ilkaha kajiran hadii aan sharaxo markii ay soo baxeen waxaay lasoo baxeen iyaga oo cadiinkoodu kala duwan yahay ooy meel meel aad u cad sida nuurada oo kale iyo meel caadi ah leh hadana waxay isubadalleen brown wayna jajabeen wayna xanuun naan wayna dhiigaan wali dhakhtar uma gaynin marka walaal maxaa keena maxaanse kula tacaalaa waad mahad santihiin dhamaantiin
-
Walaal, xanuunkaan ilkaha wuu noqon karaa, ciridkane wuu noqon karaa, ilkaha hadduu yahayne wuu si kala duawanaan karaa oo wuxuu noqon karaa ilko-bolol (suus) ama waxyaabo kale.
Taasi waxaa lagu hubsan karaa in aad la xiriirtid takhtar ilko si uu u arko baaritaanne kuugu sameeyo loona hubiyo cillada aad ka sheegayso cunuggaaga.
Waxaan kugu caawin karnaa in aad akhrisatid qoraallo caafimaad oo ku saabsan ilkaha caruurta:
1- Dareyeelka Afka iyo Ilkaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1861.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1861.0.html)
2- Bololka /Suuska Ilkaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html)
3- Daryeelka Ilkaha Ilmahaaga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,741.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,741.0.html)
Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na soo weydiin kartaa.
SomaliDoc
-
waxan dhatarka waydiin lahaa ilmaha yar yar oo aan sanadka gaarin ma ilko laga saaro ayaa jira sida aan ku arkay dhakhaatiir dhaqameedka,muhiimse matahay in laga saaro waxay ku magacaabaan ilkowga
-
Su'aashaada dhowr jeer ayaa horay looga jawaabay, ee halkaan ka akhriso ilkowga ama ilko dawacada waxa ay soomaalida u taqaanno iyo sababta ay uga saaraanba: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2326.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2326.0.html)