Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Wehliye on January 04, 2012, 03:27:44 AM

Title: Su'aal: Burada?
Post by: Wehliye on January 04, 2012, 03:27:44 AM
 Asc Dhaman Bahda Dhaqatirta Websitkan Magaceka Waa Fardawsa Muhamed .Waxa  Qaba cudurk Burada Mudo Sadax Sano Waxa Rabo In an Ogado Burada Wax Yalah Eey ku Imado? Maxa Ila Gudbon In Sameyo ? Qofka Asigo Qalin Galin Macqul Ma Tahay In La Ka Daweyo .? Wana Mahadsantahin Waxa Rajena In Ad Mowduceka  Ika So Jawbtain
Title: Re: Su'aal: Burada?
Post by: SomaliDoc on January 07, 2012, 02:36:38 PM
Buro sideedaba waxaa la yiraahdaa "kuus" walba oo jirka ka soo baxo, waxay noqon kartaa kaankaro ama buro aan dhib weyn lahayn, waxayna ka soo bixi kartaa meel walba oo jirka ka mid ah.

Marka waxaan jeclaan lahayn in walaasheen ay noo sharaxdo burada ay ka hadlayso waa midee? ma waxay ula jeeddaa qanjirka dhuunta oo barara oo loo yaqaanno "thyroid gland" oo badanaa soomaalidu ay buro u taqaanno mise waa mid kale?

Fadlan ka soo jawaab...
Title: Re: Su'aal: Burada?
Post by: Wehliye on January 08, 2012, 11:09:54 PM
Wan Mahadsantahay Aniga waxa iku Tala sida Dhaqatirda IIshegen  waxa Lo yaqano  thyroid waxe ika so baxday dhunta waliba dhinca xiditaha ku yalin mar mar marka an xanaqo waxa daremaa qandho said ah indhahega xita mid aya so weynato si said Ah Mahdsanid
Title: Re: Su'aal: Burada?
Post by: SomaliDoc on January 28, 2012, 10:53:41 PM
Waxa bararan waa qanjirka toroodhka oo waliba aan u badinayo in uu kacsan yahay marka si aad warbixin dheeraad ah u heshid halkaan ka akhriso; http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.html)