Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on January 08, 2012, 12:24:29 AM
-
Asc wrwbt. Bacda slm. Dhakhtar, waxaan rabaa in aan wax ka ogaado koolo yar yar oo ay Soomaalidu u bixiyeen 'KOOLO BIR' magaca kooladuna uu yahay 'POWER GLUE, SUPER GLUE IWM'
Kooladaan oo loo isticmaalo in la iskugu dhajiyo alaabooyinka fud fudud ee yar yar. Waxa ayna ku jirtaa bir yaroo far yarada qiyaastii le'eg. Aan su'aasha galo.
Nin ayaa saakay (7/jan/2012) waxaa Lugta ka qaniinay Hangarale ama Dib-qalooc madow (Black Scorpion) marka ninkii aad ayuu u xanuunsaday, Dhakhtarna looma geynin, lkn xadhig ayaa lagu xidhay meeshii uu bahalku qaniinay oo kolba qof baa ku tufayey calyo fudud, markay wax walba wax tari waayeen, ayaa waxaa yimid nin meesha marayey, wuxuu dalbaday Koola bir, markii loo keenay koolo birtii ayuu xadhigii ka furay meeshii xidhneyd, koolo birtii ayuuna ku shubay meeshii laga qaniinay ninkii cabaadayey,. Muddo 5-daqiiqo ka yar ayuu ninkii caadi ku noqday. Dad badana waxay aamineen arrintaas. Haddaba, Dhakhtar, koolo birta haddii jirka loo isticmaalo maadaama aan loogu talo galin, ma laga yaabaa in ay keento Kaankaro ama cudurro maqaar ama kuwo kale-ba.
AFEEF:
Waxaan idinka raali galinayaa in aan su'aasha dheereeyey. Waadna Mahadsan tihiin dhamaantiinba.
SALAAMA ALLAAH.
-
Arintaasi mid aan weli maqlay maahan mana filayo in Super Glue qaniinyada maska lagu daaweeyo maxaayeelay qaab ay wax uga tari karto oo muuqdo malahan.
maska markuu qofka qaniino wuxuu jirkiisa ku shubaa sun taas oo keento xanuunkaan siyaadada ah oo laga yaabo haddii jirka ay ku faafto in ay saameyso xubnaha muhiimka ah ee jirka sida wadnaha beerka, maskaxda iyo kilyaha oo qofka u dhiman karo marka koollo la mariyay maqaarka korkiisa waxa ay sunta ka tari karto ma fahmi kari.