Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kariim Nanas on January 08, 2012, 03:01:00 PM
-
Asc. Waa markii iigu horeysay oo aan soo galo webka somalidoc, waana marki iigu horeysay oo aan soo qoro mowduuc. Hadaba doctor, markii aan isticmaalayo facebook waxa dhacda in ay i xanuunaan dhabarka & jilbaha. Mararka qaarkoodna waxaa dhacda in ay sidoo kale i xanuunaan marka aan fadhiyo anigoon isticmaaleynin netka. Waxaana ahay qof dhalin yaro ah.
-
Wcs. First welcome Kariim nanas,. Arrintaada waxay iila muuqataa in ay ka timid isticmaalka facebook-ga, sababtoo ah; marka aad isticmaaleysid fb-ga, inta badan waxaad ku jirtaa fadhi & dhabar dhabar u jiifid. Haddaba, Jiifkaas & fadhigaas badan ayaa sababa dhibaatooyinka faraha badan ee dhabarka iyo jilbaha dadka xanuujiya. Haddii aysan jirin xaalad kale oo caafimaad daro ah oo kaa haya dhabarka ama jilbaha, waxaad sameysaa:
# Jimicsi iskala bix bixin ah (marka aad xoogaa isticmaashid internet-ka)
# isticmaalka facebook-ga oo aad u sameysatid qaab aad u isticmaashid iyo waqtiyo xad xadaysan (tusaale; hal saac isticmaal fb, hal saac soc socod, cunteyn, cibaado u kicid, suuli tagis IWM samee).
Intaa ka dib please wait Somalidoc for better reply.
Thanks.
-
Waxaa intaa kugu dari lahaa oo dhibaatada ay u badan tahay in ay kaa heysato qaabka aad u fadhiisayo oo ah qaab dhabarka qalloocinayo oo sida saxda ay tahay in uu dhabarkaagu toosan yahay oo kursiga ku haysid.
Haddii in muddo ah aad fadhiso fadhi qalloocan oo aan toosnayn wuxuu dhaawacayaa ricirrada dhabarkaaga oo laga yaabo in ay saamayn ku yeelato mustaqbalka oo fadhiga caadiga ah ku dhibo.
Talooyinka kore ku soco.